Ka dib markii maamul goboleedka Puntland ee uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Faroole ay ka soo horjeesteen nidaamka ay ku shaqeyneyso hadda dowladda Soomaalidu islamarkaana ku dhawaaqeen in ay xiriirkii u jareen dowlada ayaa waxaa arintaas ka soo horjeestay qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ee ka soo jeeda Puntland.
Xildhibaan Axmed Kismaayo oo ka mid ah Xildhibaanada ku abtirsada gobolada Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa warqadii ka soo baxday maamulka Puntland ee ay kalsoonida kala noqdeen dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif ku timaamay mid qaldan oo in laga noqdaa aan laga maarmin waa siduu hadalka u dhigaye.
Xildhibaanka ayaa ku celceliyay in aan la qaadan karin go'aanka ka soo baxay Hogaamiyaha Puntland Faroole wuxuuna guud ahaan maamulka iyo shacabka Puntland kula taliyay in ay arrinta soo farageliyaan si aan loo kala harinna uga laabtaan.
Hadalkan xildhibaanka ayaa ka dambeeyay go'aan ka ka soo baxay guud ahaan maamulka Puntland go'aankaas oo dhigayay in DFKG ay kalsoonidii kala laabteen shirarka caalamiga ah iyo kuwa gobolkana aysan dowladu u meteli karin.