Maamulka Puntalnd ayaa ku dhawaaqay in shaqsi ka tirsan Golayaasha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed aysan imaan karin Puntland islamarkaana aysan isticmalai karin garoonada Puntland.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha maamulka Puntland oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa ka hadlay amaro ay soo saareen maamulkooda waxaana hadaladiisi ka mid ahaa; "Waxaynu soo saarnay awaamiir ku saabsan go'aankii aan dhowaan qaadanay, xubnaha DFKMG ahi ma isticmaali karaan garoomadeena maba imaan karaan deegaanada Puntland. Amarkaas dhamaan madaxda garoomada, degmooyinka iyo gobolada dalka waanu ogeysiinay".
Hadalkan ka soo baxay maamulka Puntland ayaa u muuqda mid aad u sii adkeynaya amarkii ay horay u soo saareen ee la xiriiray dib uga laabashada wadashaqeyntii kala dhexeysay dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif.