Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Fikrad: Soomaaliya: Dal Dad waayey! by: Bashiir M. Xersi

$
0
0

Dabayaaqadii sanadkii 2009-ka ayaan qoray qormo aan ugu magac daray:”
Somalia: Wadankii Adduunku Dayacay!.”, oon ku muujiyey sida dunidu uga
sii jeesatay Soomaaliya, kuna tusaaleeyey sida Soomaaliya looga
dheeliyey, Anoo ku xusay faragalintii loogu magac daray:”Rajo soo
celinta”, markii dambase ku idlaatay fashal iyo fiidgurasho, qormadaa oo
ku salaysnayd dhacdooyin markaa si xawli ah uga socday wadanka walina
taagan, ayaa aqriste farriin iiga soo celiyey yirina: “wadankii dadkiisa
dayacay”,  hubaal inay ahayd aragti bisil, balaan maanta la jeexjeexo
aqristaha aragtidaa.
Buug ayaa magaciisu ahaa:”Dad dad waayey iyo duni damiir beeshay”, uuna
qoray: Maxamed Daahir Afrax, buuggan oo daabacaddiisu hore ay soo baxday
sanadkii 2002-dii, ayaa lagu soo bandhigay shirkii Kenya ka dhacay
sanadkii 2004-tii, abkay qabqable qulaantay ka yeersheen waa loo wada
jeegay, shaw taasi waxay muujinaysay xogta uu buuggu xambaarsanaa, mise
Xabashida ayaa sidaa fartay, siday tahayba hubaal in falcelintaasi
buugga ugu filnayd maamuus, ugu yaraan inuu ku helay shacbiyadda
dadweynaha.
Dumustii dawladda ka dib Burburkii dalka ka dhacay, waxaad mooddaa inaan
qofna ka badbaadin, dhan walbana saameeyey, sida ku muuqata dhacdooyin
maalimeedka, ama ka muuqata habdhaqan maalmeedka dadka, yaraantaydii
waxaan maqli jiray araah dhahaysa: “Yuhuuddu waa Dad aan Dal lahayn,
Falastiinna waa Dal aan Dad lahayn”, hubaal in arartu ku baxday
habdhaqanka labada umad, ee aan midna la dhalan tilmaamta lagu suntay,
haddaanse isku eegno aragtidaa maanta Inaga Soomaali ah ayaa ku
sifaysnayn.
Maanta xaalka dalku ku sugan yahay maarkaad eegto, waxaa kuu caddaan in
oraahdaasi Anaga na qusayso, haba loo baxsho dad naga fog oon deegaan
iyo duggaal midna wadaagin, haddana mar walba waxaa muhim ah iswaafaqa
dabeecadaha iyo dayaca jira, isma dhaamin jaahil aqqoonyahan, kali iyo
wadar, rag iyo dumar, yar iyo weyn, muruqmaal iyo maalleey, wadaad iyo
waranle, beelo iyo ururro, dhammaan waxaa dubbaha loo wada qaatay sidii
loo dumin lahaa dalka, bililiqadii iyo boobkii dhacay waxaa ka dhashay
bernaan iyo baabnaan.
Qormadu kuma ekaan doonto tilmaam guud, waxaan isku dayeynaa inaan dadka
qaarkiis magacooda xusno, sidaa darted yaan loo qaadan in dadkaa dan
gaar ah laga leeyahay, sidaa waxaan u leeyahay qormada taxana ah ee:
Labo Codleyn: Caado Soomaali Cadibatey” ayaa dhaliilo iga soo gaareen,
aanse ku billaabo mudane: Cali Mahdi Maxamed, oo Isagu masuul ka ahaa
suntii lagu shubay xeebaha Soomaaliya walina lagu qubayo, heshiiskaas
dhagareed Isaga ayaa qalinka ku duugay, xilligii uu ahaa madaxweynaha
burburkii ka dib.
Suntaa dhibaatada ay u gaysan deegaanka bii’ada iyo noolaha(dadka iyo
xayawaanka) waan filaa inay tahay mid la wada dareemi karo, haddana si
xilkasnimo iyo xishoodnimo la’aan ah ayuu ugu dhaqaaqay falkaa, laguma
faquuqin inuu dadka sumeeyey ee waaba lala saftay, qabiil ahaan ayuu ku
helay taageero iyo tikniko, isla kuwa tagoognimada ugu tabarucay ayuu
dhibku taabanayaa, waxgarad la’aanta Soomaali haysta ayey qayb ka tahay
loomase garan sidaa.
Kaligii ma ahan ee liisku wuu dheeryahay, qabqablayaasha u adeega
xabashida ee hubka ka soo qaata, si ay u laayaan dad aan waxba galabsan
ama u burburiya hanti tacabkeeda lagu daalay, sida: Muuse Suudi, Maxamed
Dheere, Cumar Finish, Maxamed Qanyare, …. iyo guud ahaan bahdii
Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada, dhammaan waxay ku midays naayeen
kaalidda Xabashida, si kale haddaan u dhoho waa xerta Xabashida.
C/laahi Yuusuf Isagu waxuuu koobka ku qaaday laynta dadka, ninba dhan u
badi waayoo, wixii qabqable wadanka soo maray nin ku gaara layn shacab
la waa, halkan yaanan illoobin saaxiibkiis Geeddi la soo gamay, malaha
kan dambe ayaaba uga dheereeyey guhaadka caynkaa ah, wuxuu yahayba waxaa
ayaandarro ah inay wali jiraan daduu shirshirinayo oo u xeraysan,
waxaaba ka sii daran inuu wali rajo ka qabo inuu Soomaaliya dib u
xukumo, way dhici kartaa oo dadkeenna ayaan aqaan, xildhibaan calooshi u
shaqaystaa shilimaad la siiyo diidi maayo, waxmagarad qabiil ku
taageeana waayi maayo.
Qabqalayaashu badan, aanse dhanka madaniyiinta bal jalleecno gaar ahaan
siyaasiyiinta, mid walba wuxuu wataa qandi aan buuxsamin, ayba u sii
dheer tahay dhabarjabin qorshe walba oo nabadeed, wax tar la’aan waxaa
ku caan baxay C/qaasim Salaad Xasan “xerameerte”, wuxuu horseed u ahaa
sicirbarkii “”Cabdi gaajo” loogu baxshay, walina aan dhammaan xilli uu
dhammaanayana aan la garanayn, mooraduu ootay ayuu ka dhex qayliyaa
wali, xigmad iyo xeelad la’aan, shisheeye eedayn ayuu hadalkiisa ku soo
ururshay, malaha wuxuu cuqdad u qabaa dunida qaarkeed, balse kuwii
kaashka kumanaanka ah siiyeyna ma la collaysan yahay?
Ganacsata xaaraan ku naaxayaasha ah, gafane iyo dhiig jaqayaasha ah, ee
dalka keena dawo iyo cunta dhacday, dabeedna dadka lacag qaali ah kaga
sii iibiya, waa laba dhib waa maroo nafci ma iibin, waa marka labaade
qarsh ayey ayey ku bedesheen, labada marbana waa dhib, daris ku
noolayaal aan diirnaxa lahayn dheh, hal kii shilin inuu shilimaad u
dhalo ayey rabaan, waxaaba ka sii daran qaarkood hantidii umadda ayey
isaga ganacsadaan, ayna u sii dheer tahay inayba qayb ka yihiin
colaaddan looa caal waayey, iyagoo waliba gargaarka dhibbnayaasha
suuqyada ku iibsada.
Ururada diimiga ah sida: Alshabaab iyo Ahlusunna laba waji oo hal lacagi
leedahay dheh, midka hore wuxuu ku xiran yahay ururweynaha Alqaacidda,
mana la gambado oo si cad ayuu u sheegaa, kan xiga wuxuu qandiga ugu
jiraa Xabashi, wuxuuna ka mid yahay warqadaha ay ku ciyaari doonta
marxaladaha soo socda, maadaama ay iyadu dhistay maalgalisay hubaysana,
masuulna ka ahayd shirkii Addis Ababa, dabcan fulintiisa iyo
dabajooggiisana xil ka saran yahay.
Wadaadada qayb ka mid ah waxay ku mashquulsan yihiin nijaaso iyo
naasnuujinta dadka waaweyn, qaar kale waxay ku mashquulsan yihiin laynta
dadka iyo cuuryaaminta dhallinyarada, qaar kale waxay ku mashquulsan
yihiin siday qayb uga heli lahaayeen kuraasta xukuumadda, qayb kale
waxay ku mashquulsan yihiin siyaaro iyo xadro, oo waxa dhacayaba war uma
hayaan, shaw caalam kale ayey ku nool yihiin, qaar kale waxay ku
mashquulsan yihiin dhalanraggo dhallinta iyo dhaayotirkooda, qaar kale
waxay ku mashquulsan yihiin argagixiso ururin iyo siday arlada ugu aasi
lahaayeen.
Iskuulaadka macaahidda iyo jaamacaadka waxbarshada waxaa hogaanka u haya
rag ku xiran Carabta, ubadkana ku anqariya sunta Carabta,
natiijadeedana maanta la hayo oo ah isqarxin iyo ismiidaamin, goobaha
waxbarashada waxaa taakuleeyo wadamada Carabta, ujeedku ma ahan jacayl
ay Soomaali u qabaan ee waa beerista miro waxyeello, ninkuu shaki uga
jiro ha eego wadaada dhallaanrogga iyo dhallinta halaagga, waxay ku wada
arooraan xerta Carabtee hiliq ka tiri sunta Carabta.
Beryahaan waxaa ku soo badanaya gayiga Soomaalida dawlad beeleedyada,
oodba mooddo in beeshaan dawlad lahayn aysan noolaan Karin, Somaliland,
Puntland, SSCland, Galmudug state, Ximan iyo xeeb, Hiranland, Waax iyo
waadi oo dhisan, banadirlanad, jubbalanad, Bay iyo Bakoolland Gedoland
oo jidka ku soo jira, iyo dabcan kuwo kaloo la filan karo aanse hadda
magac ahaan u jirin, goobayntaan waxay ka turjumaysaa dadnimaxumada
jirta intay gaarsiisan tahay, iyo inay qayb ka tahay mashruuca kala
googoynta gayiga Soomaalida, beelaha mar dagaal marna degmayn.
Wariyayaal beel u gayfan iyo warbaahin qabyaaladaysan ayaa dadka
hoojisay, waxay u dhisan yihiin fidno abuurid ama kicin colaad, qalinkii
xoriyaddu wuxuu noqday qori xeeladaysan, qabiil iyo qabyaalad u
qiildaya, Colaad huriyaashu badan, mid af ku afuufa (wariye, fannaan iyo
murtimaal) mid aake ku holciyoo nafta u hura (efenteri iyo
sacabooleeyey) iyo mid hanti ku harqiya(hantiile).
Qorbajoog qabow iyo qoraxi dhuuxood dhex qaadday, ayaa ka mid ah dadka
in la xuso mudan, dad badan waxay rumaysan yihiin inay qayb weyn ka
yihiin dhibaatada Soomaaliya, bal dib u eeg inta goor ee Walad Abdalla
waraaq u qoray iyaga kaliya, dalka gudahiisa dadka jooga maxay dheer
yihiin? Ma xasuusataan isagoo shacabka Soomaaliyeed wali waraaq u qoray?
Waxaa lagu macneeyey farriimaha isdaba joogga ahaa ee ku wajahnaa
qurbojoogta, inay yihiin qaablaawayaal quluub Soomaalinimo ka quwaaxday,
mar walba u qiildaya qarribka quwadaha waaweyn u qoolayaan dalka.
Qabqable aan qalin qaadan la garay, wadaad madaxa cimaamadi ugu xiran
tohoo xerow xelqojooga ahna la garay, ee miyaad filayseen in aqoonyahan
sheegatada falalka qaarkood ka suuragali lahaa? Waxaan uga jeedaa
sawiradii maalmahaan lagu soo bandhigay qalabka warbaahinta, ee
muujinayey Farmoojood moodda arday argagaxan oo imtixaan afka ah(oral)
laga qaadayo, ama agoon reer uusan garanyn loo gaynayo, wuu baal qoynaa
barbaradaba ma eegin, ninku ma iska soo soofay markuu xilka soo doontay
mise sir qarsoon ayuu u yimid?
Hubaal in geeljiruhu uusan raacayn Geel aan summad lahayn, maxaa yeelay
wax walba waxay u baahan yihiin wax ka sooca walxaha kale, waxlaha aan
muuqan waxaa lagu soocaa: qeexiddaa, walxaha muuqdana waxaa lagu soocaa:
magaca tilmaamta iyo astaanta, sidaa darted qawsaarku xoolaha uu
soofinayo waa inuu u yeeshaa astaan u gaar ah oon lala wadaagin, si aan
loogu qabsan muranna looga galin xoolihiisa, haddaa Farmoojo geeljirana
ma ka garashao gaabshay? Hubaal in geeljiruhu uusan waxba ka qoon
hannaan dawlad iyo maamul, haddana uusan yeelayn xoolahaaga astaan
la’aan daaqsin gee.
Farmaajo wuxuu qaaday record-ka habqanka iyo yaacsanaanta, waxaan la
yaabanaa Sheekh Shariif markuu ka qaybgalayo shirraka, waxaanse lahaa
wuxuu ku cusub yahay hannaanka siyaasadda iyo seeraheeda hoose, waxaanse
qaadan waayey siduu u dhaqmay ninkii aqoon yahanka lagu sheegay,
aqoontadii ma sidaan ayey noqotay? Aqooneey xaal qaado!, mise waa qorshe
uu ogaa oo fulintiisa New York u tagay, markii horana uba yimid, hadday
taasi jirto dhaliisha aan si kale u dhigo, waa dhagarqabee umadda
dhayatirayee hallaga gaaro oo gees halla galiyo inta uusan ku gaamurin,
haddii kale hadhaw lama siiba karo ama kicintiisa ayaa qarash ku baxayaa
sidii Ina Sharmarke.
Alshabaab waxaa in badan lagu eedeeyey inay astantii qaranka meel uga
dhacday, oo ku badashay calal madaw oo aan la garanayn meeluu ka yimid,
Alshabaab waaba caddaystay inaysan shuqul ku lahayn astaan Soomaalinimo
iyo aayaheeda toona, waxaase la yaab leh marka masuulka ugu sarreeya
xukuumadda shir ka qaybgalayo ee kulamada ka soo muuqdo isagoon astaan
lahayn, garabkiisana uu yaallo astaan dal ama urur kale, tolow tan maxaa
lagu tilmaami karaa? Jawaabta aan idiin daayo.
Warku yuusan ila dheeraan, dulucda qormaduna ila durgine, tusaalooyinka
aan soo sheegay markaad eegto ee isugu jira dad iyo dhacdooyin, waxaad
garan in cinwaanka qormadu uusan iska dhalan, ahaynna Soomaali iska
dhaliiloo eed u jeedi kaliya, balse uu ku qotomo xaqiiqooyin biyo kama
dhibcaan ah, sida loo doorsoomay ayaa dalkiina dad la’aan u noqday, la
kala roonaa waa, sida gibilka la isaga egyahay ayaa gudahana la isaga
ekaaday, waxaan uga jeedaa: diirkii iyo damiirkii ayaa isku mid noqday.
Ugu dambayn Soomaaliya Dal Dad waayey dheh, ma yahay dal dad weyn kara?
Maya, khayraadka badda dhex cegagaa, xeebtaa dhiririka badan ee ku
meeran dalka, xoolo cayn walba leh, duurjoog dabjoog iyo ugaar, beeraha
la beertiyo berrin mira ka baxaan, cimilada wanaagsan ee aan kulayl iyo
qabow daran midna lahayn, buuro ceeryaamo badan iyo bannaan gawaana aan
lahayn, sidaa oo ay tahay haddana wuxuu noqday dal dad waayey,
dadkiisaase dayacay ee miyuu mudan yahay in la dayaco?

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>