Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Alshabaab oo soo bandhigtay askari ey sheegeen inuu ka soo goostay ciidamada Milatariga dowladda KMG ah

$
0
0

Maamulka Xarakada Alshabaab ee  degmada Buurhakaba ayaa sheegay in uu isu soo dhibay askari ka tirsanaa Ciidamada dowlada ee ku sugan magaalada Muqdisho islamarkaana sheegay in uu ka soo laabtay dambiyadii uu horey u galay sida ey hadalka u yiraahdeen.


Waxa ay sheegeen in askari isa soo dhiibay uu ka mid ahaa Ciidamada Milatariga dowlada ee ku sugan magaalada Muqdisho haatan uu ku sugan yahay magaalada Buurhakaba oo ka tirsan gobalka Bay.


Saraakiisha Al shabaab ayaa sheegay in askarigaas ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen iyagoo ugu baaqay askarta kale ee dowlada KMG ah inay maraan wadada askarigaasi maray islamarkaana ay ka toobad keenaan waxyaabaha ay ku jiraan.


Askariga ka soo goostay dowlada oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida loo soo dhaweeyay waxa uuna goobta ka sheegay in uu ka toobad keenan wax yaabihii uu ku jiray waxa uuna ugu baaqay saaxiibadiisa kale inay soo goostaan.



Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>