Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Labaatan sano ayaa laga joogaa tagitaankii Siyaad Barre

$
0
0

26-ka January sanadkii 1991, muddo hadda laga joogo 20 sano, ayaa madaxwaynihii Soomaaliya muddada dheer ka talinayay Maxamed Siyaad Barre jabhaddo hubaysan ay xukunkii ka tuureen, oo uu isaga baxay xaruntii madaxtooyada ee astaanta u ahayd dowladda.

 

Maxamed Siyaad Barre, ayaa dhowr iyo labaatan sano oo uu talada dalka
hayay, wuxuu ku caanbaxay hal adayg iyo qab-wayni. Waxaa tusaale loogu
soo qaadan karaa is afgaranwaagii dhexmaray dowladiisa iyo mid ka mid ah
quwadihii todobaatameeyadii dunida ugu awoodda badnaa. Waa midowgii
Sovieti. Mar uu ka hadlaya khilaafka wuxuu madaxwayne Maxamed Siyaad
Barre yiri:

Maanta oo kale, 26-ka January 1991, muddo hadda
laga joogo labaatan sano, iyadoo uu socday dagaal kama dambays ah intii
aanu Maxamed Siyaasad Barre ka tagin madaxtooyada waxaa Muqdisho dhex
joogay Murray Watson oo sawiro ka qaaday dhibaatooyinka dagaalka.

Waa kan waraysi laga qaaday isla maalintii 26-kii January, 1991 isagoo joogay magaalada Muqdisho.


Prof Siciid Sheekh Samatar, oo jooga
Maraykanka oo muddo dheer wax ka qorayay arrimaha Soomaalida, ayaa sidoo
kale BBC la xiriirtay.

Yuusuf Garaad ayaa Isagana waydiiyay maanta oo
labaatan sano laga joogo markii ay dhacday dowladdii Maxamed Siyaad
Barre, waxa uu ku qiimayn karo labaatankaas sano xaaladda lagu jiray.
Ugu horayn waxa ay la tahay in laga faa'iiday riditaankiisa Maxamed
Siyaad Barre?


Prof Maxamed Malaaq Muqtaar, oo hadda ku
sugan dalka Maraykanka, wuxuu wax badan ka qoray taariikhda Soomaaliya,
iyadoo uu dalka booqday dhowr jeer kadib burburkii dowladii Maxamed
Siyaad Barre.

Yuusuf Garaad, ayaa waydiiyay waxa uu is
leeyahay maanta oo laga joogo labaatan sano markii dowladdii Maxamed
Siyaad Barre ay burburtay, maxaa laga faa'iiday ayaad dhihi kartaa intii
ka dambaysay?

Professor-ka, ayaa si faahfaahsan uga hadlaya
guud ahaan taariikhda Soomaaliya iyo burburka laga dhaxlay dhicitaankii
dowladda Siyaad Barre.

Wuxuu soo jeedinayaa tallooyin ku aadan sida ay
isaga la tahay sida looga bixi karo dhibaatooyin wali ka taagan
Soomaaliya wixii ka dambeeyay burburkii dowladda dhexe 26-kii January,
sanadkii 1991-kii.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>