Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ciidamada AMISOM oo qoys Soomaaliyeed ku laayey gurigooda xilli ay hurdayeen

$
0
0

Ciidamada AMISOM ee jooga Magaalada Muqdisho ayaa xalay qoys Soomaaliyeed ku laayay Xaafad ka mid ah degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho kadib markii ey madaafiic ey ku tuureen degmada Yaaqshiid ey ku habsatay gurigooda..

Qoys ka koobnaa dhowr ruux kuna nool xaafada Towfiiq Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho waxaa ka soo haray aabihii qoyskaasi iyo gabar ugu yareyd caruurtiisa, waxa uuna halkaasi ku waayay dhowr caruur ah oo uu dhalay iyo Xaaskiisii Ilmaha geeriyooday hooyadood.
Inta la ogyahay 10 ruux oo qaar ka mid ah isku qoys ahaayeen ayaa dhintay ku dhawaad 10 ruux kalena waxaa soo gaartay dhaawacyo kala duwan markii dhowr Madaafiic ah Ciidamada AMISOM ku garaaceen xaafada Towfiiq Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.


Ruux ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay saakay u gurmadeen aabihii qoyskiisa oo idil ku waayay madaafiicda sida indha la aanta ah ciidamada AMISOM shacabka Muqdisho ugu laayaan.
Ugu danbeyntii ma ahan arrin cusub in Qoysaska soomaaliyeed ku la daan madaafiicda ciidamada AMISOM horay ayayna u dhaceen dhacdooyinka noocaan ah intii ay dalka joogeen Ciidamadii Xabashida Itoobiya, sidoo kalena Ciidanka AMISOM xasuuq sidan oo kale ah marar badan geysteen, maalintii shalay ayayna ahayd markii dad badan ku laayeen inta u dhaxeysa Isgoyska KM 4 iyo Garoonka Muqdisho.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>