Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Wasaarada arrimaha Dibadda ee Australia;" Al-Shabaab waxay weerarayaan Shirka madaxda Afrika ee Addis ka furmaya "

$
0
0

Wasaarada arrimaha dibadda ee dalka Australia ayaa ka digtay weerar dhalin kara dhibaayo ballaaran oo ay al-Shabaab la maagan yihiin in ay ku qaadaan madasha shirka madaxda Afrika ee dhowaan ka furmi doona Addis Ababa.

Shirka madaxda Afrika uga furmi doonaa caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa oo looga arinsan doono xaalada cakiran ee Soomaaliya ayeey wasaarada arrimaha dibadda ee Australia ku sheegtay mid ay u midiya tumanayaa lxoogagga al-Shabaabku si ay madaxda madasha joogta iyo habsami u socodka shirkaba u dhibaateeyaan.

Ugu dambeyntii wasaaradda ayaa ku talisay in laga feejignaado islamarkaana isha lagu hayo dhaqdhaqaaqyo ka dhanka ah ammaanka caasimada Itoobiya iyo weliba magaalooyinka waa weyn ee dalkaas oo sida warbixinta wasaarada ka soo baxday lagu qoray ay hawlaha muqaabaraadku ka so sheegayaan dhaqdhaqaaqyo halis keeni kara.

Al-Shabaab ayaa ka sokoow sheegashooyinkoodi tira qaraxyo ahaa oo ka dhacay Bariga Afrika waxay sidoo kale ku hanjabeen in wadamada faraha kula jira arrimaha Soomaaliya la kulmi doonaan weeraro. 

halgankanet@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles