Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ra'iisal wasaare Farmaajo oo dalka ku soo gurya-noqday iyo xoogagga al-Shabaab oo dagaal ku soo gelbiyay

$
0
0

Ra'iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Farmaajo oo safar shaqo ku maqnaa ayaa dib ugu soo laabtay caasimada dagaalada ka daashay ee Muqdisho.

Mr Farmaajo oo saakay sida la sheegay ay diyaaradii siday  ay soo caga dhigatay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cade, Muqdisho  isaga iyo Xubnihii dowladda ka tirsanaa ee la socday ayaa waxaa soo dhoweyntooda ka qeybqaatay mas'uuliyiin ka tirsan Golayaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo weliba saraakiisha ciidamada AMISOM.

Dhanka kale waxaa immaanshaha Ra'iisal wasaaraha dagaal ka horgeeyay xoogagga al-Shabaab ee mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya, dagaalkaas oo sida warar hordhac ah ay sheegayaan laga dareemay inta badan magaalada Muqdisho dhankeeda Koofureed.

Ugu dambeyntii ciidamada AMISOM ayaa ku guuleystay in ay wefdigii uu horkacayay Ra'iisal wasaaraha ay iyagoo bedqaba u soo dhaadhciyaan dhanka Madaxtooyada.

Ra'iisal wasaaraha ayaa la filayaa in dhowaan uu saxaafada uga warbixiyo waxyaabihii uu la soo kulmay mudadii uu safarka ku maqnaa iyo weliba qorshaha hadda u degsan xukuumadiisa.

halgankanet@gmail.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>