Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowaldda; "Alshabaab waxaan ka dilnay 59 Askeri waxaana sidoo kale ka qabsanay hub aad u fara badan"

$
0
0

Sarkaal ka tirsan maamulka iyo ciidamada dowladda ee gobolada Bay iyo Bakool ayaa daboolka ka qaaday in Alshabaab ay ka dileen 59 Askeri islamarkaana ka qabsadeen hub aad u fara badan dagaal faraha looga gubtay oo deegaanka Rabdhuure meel aan ka fogeyn ka dhacay ka dib.

Aadan Saransoor oo saxaafada la hadlay ayaa ku tilmaamay dagaalkaas mid hadda uun bilowday ayna sii wadayaan ilaa Alshabaabka ay ka suulinayaan Koofurta Soomaaliya waa siduu hadalka u dhigaye.

"Waxaan ka dilnay Alshabaab 59 Askeri waxaana sidoo kale ka qabsanay hub fara badan" Sidaas waxaa yiri Aadan Saransoor oo xubin sare ka ah maamulka dibad jooga ah ee gobolada Bay iyo Bakool isagoo sidoo kale dhankooda qasaaraha soo gaaray ku soo koobay Dhimasho Todoba Askeri ah iyo dhaawac aan sidaas u badneyn.

Dhanka kale Alshabaab ayaa iyaguna ku dooday in dagaalkaas ay ku soo qaadeen ciidamada dowladdda ka tirsan oo kaashanaya Itoobiyaan balse ay Mujaahdiintoodu jilibka u laabeen jab iyo caana beelna ku dhigeen.

Waxaan oo dhan ayaa dhacaya xili abaabulo dagaal oo iska soo horjeeda ay ka soconayaan gobolada Koonfurta Soomaaliya.

halgankanet@gmail.com  


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles