Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Wiil somalida mareykanka ah oo lagu xiray mareykanka kadib markki lagu eedeeyey inuu taageero Alshabaab

$
0
0

Will asalkiisu somali ah balse Mareykan ah ayaa Ciidamada Amaanka Gobalka Chicago ee dalka Mareykanka xabsiga u dhaadhiciyeen kadib markii lagu  eedeeyay in uu taageero siinayo xoogaga Al-Shabaab ee ka dagaalama dalka Somalia.

Shaakir Marsi oo 26 jir Soomaali ah oo ku nool gobolka Chicago ee Marayknaka ayaa shalay gacanta lagu dhigay kadib markii lagu ee deeyey in uu isku dayayay in uu taageero siiyo kooxda Shabaab ee dagaalada lagu hoobtay ka wado gudaha wadankaan Soomaaliya.

Xaakinka gobolka Parrock Firsigaraadle ayaa ku dhawaaqay in Shaakir uu wajihi doono xabsi 15 sano ah hadii ay ku cadaato Shakiga laga qabo in uu ku lugleeyahay.

Shaakir ayaa lagu waramay in uu si qarsoodi ah u sheegay in uu laba mar Soomaaliya soo booqday islamrkaana uu tababar ku qaatay xero tababar oo ay leedahay kooxda Shabaab.
Bishii June ee aynu soo dhaafnay ayaa laba nin lagu xiray gobolka New jersi ee dalka  Maraykanka kuwaas oo lagu eedeeyay in ay doonayeen in ay ku biiraan kooxda lagu tiriyo Al-Qaacidada Africa ee Al-Shabaab.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>