Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo ka
qeybgalaya shirkii guud ee Qaramada Midoobey ee sanadlaha ahaa ayaa la
kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Talyaaniga Franco Frattini oo
ay ka wada hadleenarrimo fara badan oo ay ka mid yihiin amniga,
gar-gaarka bani’aadanimo iyo arrimaha siyaasadda.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali iyo
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga Franco Frattini waxey kala
saxiixdeen heshiis horumarineed oo ay dowladda Talyaaniga ku fasaxeyso
lacago ilaa 14, 956, 919 Euro ah (ku dhowaad 15 million euro) oo la
xiriirtay heshiis ay labada Dowladda horey u kala saxiixdeen 26kii
November 1988 oo ku aadanaa inay Dowladda Talyaaniga siin doono deeq
Dowladda Soomaaliya oo la xiriirtay dhiiri gelin waxsoosaarka dalka
Soomaaliya. Heshiiskan waxuu oggolaanayaa in Dowladda Talyaaniga ay ku
wareejineyso lacagtaas Dowladda Soomaaliya si loogu isticmaalo arrimaha
horumarinta sida waxbarashada, biyo-gelinta,caafimaadka, beeraha iyo
xanaanada xoolaha iwm.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Franco Frattini oo ka hadlay
kulanka iyo shir-jaraa’id oo ay si wadajir ah u wada qabteen ayaa
sheegay in Dowladda Talyaaniga ay ka go’antahay sidii loo xoojin lahaa
xiriirka labada dal, isla markaana loo saacidi lahaa sidii dowladda ay u
hirgelin laheyd mashaariicda muhiimka u ah shacabka soomaaliyeed. Sidoo
kale Wasiirka waxuu uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha horumarka laga
sameeyey dhanka amniga, dib-u-heshiisiinta iyo siyaaasadda ee Soomaaliya
oo uu sheegay inay diyaar u yihiin inay sii waddaan caawinaaada
dowladda soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga ayaa
casuumaad rasmi ah u fidiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya si u soo
booqdo Talyaaniga isla markaana uu ula kulmo Ra’iisulWasaaraha
Talyaaniga Silvio Berlusconi.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa u
mahadceliyey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga iyo sida dowladda
Talyaaniga ay u saacido dowladda iyo shacabka soomaaliyeed. Sidoo kale
waxuu uga mahadceliyey dadaalka ay u galeen sidii maalinta Jimcaha 23ka
Sept uu u qabsoomi lahaa kulan gaar ah oo loogu tala galay in beesha
caalamka iyo Qaramada Midoobay ay si gaar ah uga wada hadlaan arrimaha
Soomaaliya si xal loogu helo arrimaha Soomaliya, dowladdana looga
saacido sidii ay amniga iyo kala danbeynta u soo celin laheyd. Ra’iisul
Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in
Talyaaniga uu ka dhabeeyey ballanqaadkii 1988 ee ahaa inuu deeq siin
doono Soomaaliya, isla markaana uu lacagihii uu intaas u hayey ay maanta
saxiixaan inay u soo deynayaan shacabka soomaaliyeed.