Ottawa-Sep-21-2011-qurbejoog.com-Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha
waxaynu caawa ku soo qadaneynaa sababta ay warbaahintu uga
faaloonweydey haddii ay noqoto BBC-da,VOA-da,wariyayaasha,idaacadayaash
Soomaalida iyo bahweynta ciyaaraha jecel xiddigga da’dayar ee
Soomaaliyeed (Islam Feruz).
Akhyaartaay haddii aynu jaleecho xiddigihii waaweynaa ee kubadda cagta
ee aduunka PELE,MARADONA,ZICO iyo qaar kale oo farabadan waxay ku soo
koreen balashlayaal,darbijeef iyo iskorisnimo akhirkiina waxay ku caana
maaleen lugahooda dahabka ah maantana aduunka meel aan laga ixtiraameyn
majirto.
Laakiin maxay ku dhacdey xiddigan Soomaaliyeed ee mudaba u ciyaarayey
naadiga weyn ee (CELTIC) maantana la soo wareegtey (CHELSEA)hungurina ka
soo galey naadiyada waaweyn sida Man united,Man City,Chelsea,iyo Real
Madrid in la xaqiro inta lagu meereysanayo Minasota,Toronto,London iyo
meela kale oo farabadan.
Taariikhdu habeen ma aha ee waa sida dayaxa oo kale Isboortigana qabiil
ma galo 4.5-kuna shuqul kuma leh siyaasadna haba sheegin.nacaybku iyo
xaasinimaduna Soomaaliya ayaa ku burburtey ee yan loo soo qaloocinin
xagga isboortiga hana iska daayeen shakhsiyaadka danahooda gaarka ah ku
fushanaya.
Islam Feruz waa laacib Soomaaliyeed taariikhdiisana waxaan kaga soo
sheekeeyey Somali Diaspora News ama qurbejoog.com haddii aan idinyar
xusuusiiyo wuxuu ku dhashey Soomaaliyaa 1995 -6-jirkiisii ayey u
hayaameen waddanka Scotland isaga iyo faamilkiisa qaxootinmo maantana
cagahiisa dahabka ah waxay u soo saareen inuu ka mid noqdo
ciyaaryahanada lacgta leh ee aduunka sida aan horeyba u soo sheegey.
Waxaan ka codsanlahaa xiriir ku sheegyada meelahaa kala dadsan
noockastaba ha ahaadeene ha u kuur galeen ciyaartooda Soomaaliya ku
dhalatey inteyna jinsiyed kale qaadan si ay wadankooda magac ugu soo
hooyaan,miyeena ka xishooneynin marka ay maqlaan MO-FARAH-Somali Born
iyo Islam Feruz.
W/D-Jaahuur
qurbejoog.com-Ottawa
gahuur@hotmail.com
b
↧
Guulaha Ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee Islam Feruz Iyo Godobta Warbaahinta Somaalida
↧