Hey’ada Nabad Sugida qaranka ayaa soo bandhigtay wiilal yar yar oo ka soo goostay Al-Shabaab, kuwaasoo maalintii shalay dhanka dowladda soo galay.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Nabad Sugida ee Muqdisho ayuu kaga warbxiyey Agaasimaha Guud ee Hey’ada Sirdoonka Axmed Macalin Fiqi xaalada dhalinyarada iyo qaabka ay isugu soo dhiibeen.
“Maanta waxaa marti noo ah labadani wiil ee dhalinyarada ah, wixi shalay ka horeeyey waxay ka tirsanaayeen Al-Shabaab laakin hada waa dad nadiif ah, waxa ay ka mid ahaayeen ragi dagaalada ciidanka dowlada ku soo qaadi jiray, waxaa shalay noo keenay rag ay ehelo yihiin,”ayuu yiri Mr Fiqi.
Labadan wiil oo aanan qaan gaarin wali da’dooduna u dhaxeysay 13-14 ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Maxamed Caballa Ibraahim iyo C/qaadir Maxamed Cali, waxaana ay sheegeen in ay kasoo galeen Al-Shabaab Magaalada Kismaayo.
Waxaa ay sheegeen in ay ka aaminsanaayeen awal dowlada iyo dadka la nool gaalo, balse hada ay ogaadeen xaqiiqada jirta, waxaana ay tilmaamay in horay loo marin habaabiyay.
Ciidanka Sirdoonka Dowlada ayaa baryahan si dar dar ah ku socday waxaana todobaadyadi lasoo dhaafay ay soo bandhigay dhalinyaro kasoo goosatay Al-Shabaab iyo qaraxyo ay qabteen inta aanan dadka lagu wax yeeleyn.
↧
Hey’adda Nabadsugida oo soo bandhigay wiilal yar yar oo Shabaab ka soo goosatay
↧