Taliska Ciidamada Amisom ayaa ku dhawaaqay in ay heleen ciidamadi dilay wariyihi Malaysianka ahaa, kadib markii ay soo gaba gabeeyeen baaritaanadii ay mudooyinkan wadeen.
War saxaafadeed galabta ka soo baxay Taliska Amisom ayey ku sheegeen in baaritaan ay sameeyeen ku ogaadeen dilka wariyaha in ay ka danbeeyaan afar askari oo u dhalatay dalka Brundi.
Dilka oo ka dhacay horaanti bishaan agagaarka isgoyska KM-4 ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa aad uga xumaaday dadka Soomaaliyeed iyo shacabka Malaysia oo si weyn uga qeybgalo hada gurmadka walaalahooda Soomaaliyeed ay la ildaran abaaraha iyo macluusha.
War saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in afar askari ee ku lugta lahaa dilka sawir-qaade Noramfaizul Mohd Nor laga qaaday mas’uuliyada ciidanimada dibna loogu celinayo dalka Burundi si loogu maxkamadeeyo.
Nor ayaa la dilay 2-di bishaan Sept. xilli uu soo tabinayey howlgal ay hey’ad gargaar oo Maleysian ah ka waday Magaalada Muqdisho gaar ahaan meelaha ay joogaan dadka ay soo barakiciyeen abaaraha.
Kooxaha Xuquuqda Adanaha ayaa ku eedeeyo Amisom in ay duqeyso xaafadaha ay ku badan yihiin dadka rayidka ah ee Magaalada Muqdisho, balse arintaasi waxaa mar walbo beeniyo Amisom.
↧
Taliska Amisom oo afar askari ku helay dhacdadii uu ku geeriyootay Sawir-qaadihii u dhashay Malaysia
↧