Shariif Xasan Shiikh Aadan, gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo in mudo ah ku sugnaa dalka Mareykanka ayaa la sheegayaa in jaaliyadda Soomaalidu ay ka diideen codsi uu u dirsaday oo la xiriiray in uu la kulmo.
Warar laga soo xigtay jaaliyadda Soomaalida ee New York iyo Ohio ayaa sheegaya in Shariif Xasan ay aqoonsan yihiin dhibaato Soomaaliya ku horgudban sidaas darteedna aysan dooneyn in ay la kulmaan oo soo dhoweeyaan.
Si kastoo ay ahaataba waxaa uu Shariif Xasan Minnesota kula kulmay qaar ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida ee ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool, inkastoo sida la sheegayo uusan soo dhoweyn diiran jaaliyaddaas lafteeda kala kulmin.
Shariif Xasan Shiikh Aadan ayeey Soomaalida Mareykanku ku tuhmayaan in uu guud ahaan lugta kula jiro hay'adaha dowlada, hannaanka dowliga ah ee Soomaaliyeedna uu ka soo horjeedo.