Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Mas'uuliyiin ka kala socda dalalka Soomaaliya, Yugaanda, Burundi iyo Beesha Caalamka oo Kampala ammaanka Muqdisho uga arinsanaya

$
0
0

Magaalada Kampala, xarunta dalka Yugaandha ayaa waxaa sacaadaha soo socda ka furmi doona kulan afar geesood ah oo looga arrinsanayo ammaanka magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka qeybgelaya mas'uuliyiin Soomaaliyeed oo  ka kala socoto dhowr wasaaradood, maamulka gobolka Banaadir, dowladda Yugaandha, Burundi iyo Beesha Caalamka waxayna si gaar ah uga doodi doonaan dhinacyadani qaabka ammaanka Muqdisho loo sugu karo mar haddii inteeda badan ay dowladdu gacanta ku heyso.

Kulankan oo hadda uun bilow ah ayaa waxaa qaban qaabadiisa ka dambeysa dowladda Yugaandha oo dooneysa in ay Soomaalida kala tashado sida ugu macquulsan oo ay ciidamada AMISOM guud ahaan magaalada Muqdisho ula wareego karaan.

Kulankaas waxyaabaha ka soo baxa dib ayaan diinkaga soo gudbin doonaa haddii Alle Idmo.

halgankanet@gmail.com   


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>