Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya; "Somaliland waxaan u aragnaa sida Puntland oo kale, laakiin waxaa loo baahan yahay si wanaag ku jiro in loo wada hadlo"

$
0
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo xog-wareysi siiyay idaacada BBC:da laanteeda afka Soomaaliga ku hadasha ayaa ka hadalay arrimo badan oo la xiriira Nabadgelyada, siyaasada iyo maamullada ka jira Soomaaliya.

Ra'iisal wasaaruhu wuxuu ugu horeyntii rajo weyn ka muujiyay in al Shabaab ay guud ahaan dalka ka saari doonaan, sanad ka dibna ay xaaladda Soomaaliya si weyn wax isaga bedeli doonto oo dowalddu ay guud ahaan la wareego doono talada dalka waxaana uu arintaas ka yiri; "Somaliland waxay noola mid tahay Soomaaliya, waxaana u arkaan sida Puntland oo kale , laakiin waxaa loo baahan yahay si wanaag ku jiro in loo wada hadlo dantana meel loo wada arko,"

Hadlaka Ra'iisal wasaaraha ayaan la ogeyn sida uu ugu cuntami doono maamulka Somaliland oo tan horaantii Sagaashamaadkii hardan ugu jiray hanashada aqoonsi dowladeed oo caalami ah, balse la arki jawaabta ay ka bixiyaan gacan haadiska Ra'iisal wasaare Gaas.

halgankanet@gmail.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>