Mucaaradka dalka Liibiya oo taliskii Mucamar Alqadafi intiisi badneynd afka dhulka u geliyay ayaa gacanta ku dhigay sida wararka lagu helayo Tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku sii jeeday magaaalda Tripoli.
Tahriibayaashan oo tiradoodu ay ka badan tahay Boqol ayaa waxaa lagu qabtay xuduuda dalka Liibiya uu la wadaago Suudaan gaar ahaan magaalada Kufra, waxayna hadda ku xiran yihiin dhamaantood sida uu sheegay mid ka mid ah dhalinayaradaas Guri ku yaal magaalada Kufra.
Mid ka mid ah dhalinyaradaas Tahriibka ah ayaa waxaa uu sheegay in laba wiil ay ka geeriyootay mudadii ay safarka ku soo jiray, labadaas wiil oo uu magacyadooda ku soo gaabiyay Maxamed iyo Saadaam.
Lama oga waxa ay ka yeeli doonaan mucaaradka Liibiya dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhul safar ahaan dhib badan colaadina u sii dheer tahay ku sugan, haddii ay baxsadaan gacanta mucaaradka Liibiyana waxaa ka horeeya sida la wada ogyahay " Bad aan la ogeyn sida looga badbaadayo".