Gaalkacyo (RBC Radio) Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa laga sugaya isku shaandheyn uu dhowaan ku sameyn doono golaha wasiirrada,sida an ka soo xiganay saraakiil sare oo dowladda ka tirsan.
Isku shaandheynta uu sameynayo,madaxweyne Cabdiweli waxaa lugu sheegay mid ballaaran oo sabab u noqon karta inay xilalka waayaan wasiirro xukuumadda ka tirsan,halka kuwa kalana la isku badalayo.
"Qorshaha wuu socda,wuxuuna madaxweynaha isku shaandheynaya golaha wasiirrada,"ayuu yiri sarkaal ka tirsan dowladda oo codsaday inan la baahin magaciisa,maaddama usan fasax u heyn inuu ka hadlo qorshaha socda ee xukuumadda wax looga badalayo.
Ujeedooyinka uu ka leeyahay wax ka badalka lugu sameynayo golaha wasiirrada,madaxweynaha Puntland waxaa lugu sheegay inay ugu horreeyso sidii loo dardargalin lahaa shaqooyinka sida gaabiska ah hadda ku socda ee wasaaradaha maamulka.
Madaxweynaha ayaa ku aadiyay qorshaha la sheegay wali inuu socdo ee wax looga badalayo golaha wasiirrada xilli ay arrimo is biirsaday ka taaganyihiin Puntland,waxaa ugu horreeya abaarta oo sameynteeda ay xoogeysatay iyo amniga oo meelaha qaar ay ka dhacayaan weerarro jogta ah,sida magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso.
Sidoo kale,dowladda waxaa ay dhaliilo kala duwan kala kulmaysa siyaasiyiinta iyo dadka wax falanqeeya,waxaa ay sheegen shaqada xukuumadda inay hooseyso oo ballan-qaadyada dowladda ay yaryihiin wixii ka hirgalay.
Si dhaqso leh ayaa lugu sheegay inuu madaxweynaha u qaadayo tallaabada wax looga badalayo golaha wasiirrada,waxaana aad loo hadal-haya inay xukuumadda ka soo muuqan karan dad ku cusub siyaasadda.
Waxaa ka socda madaxtooyadda magaalada Boosaaso wada-hadallo iyo la-tashiyo uu wado madaxweynaha Puntland,kuwaaso ku aadan isku shaandheynta lugu sameynayo xukuumadda,waxaa ku biiray la-tashiyada madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Boosaaso gaaray,sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku sugan Boosaaso.
Horay ayuu madaxweynaha sidan oo kale isagu shandheeyay golaha wasiirrada marka ma dhicin isbadalka weyn ee xilligan la hadal-hayo inuu dhaco.
Wixii ku soo kordha warkan,Raxanreeb ayaa idin la socodsiin doonta,insha allah.
__RBC Radio
↧
Madaxweynaha Puntland oo la hadal-hayo isku...
↧