Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dhageyso: Farmaajo ma qaadan doonaa taladii uu...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Allaha u naxariistee abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga Soomaaliyeed Jeneraal Cabdikariim Yuusuf Dhega-badan ayaa dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu siiyey talo aad u wanaagsan oo looga adkaan karay kooxda Al-Shabaab.
Jeneral Dhega-badan, oo Al-Shabaab u bixiyey "Jid iyo jiho diid" ayaa shaaciyey xeelado muhiim ah oo kooxda weeraradeeda lagu baajin karay, uga dambeynna looga adkaan karay.
Talooyinkiiisa ma aysanq aadan dowladdii Xasan Sheekh, balse waxay is-weydiinti tahay in madaxweyne Farmaajo qaadan doono talooyinkan oo laga heli karo codka nool ee Jeneraal-ka. Waxa uu yiri
"Aniga waxaan qabaa hawlgalada in laga billaabo Afgooye iyo Balcad inta u dhaxeyso, beertii Cali Mahdi, Mire Indha-yare, Saqiiro. Yaan argagax dadka lagu gelin Xamar baala soo galay."
"Nimanku goobaha ay degan yihiin in loogu taggo weeye. Marka meelaha ay isu soo uruursan karaan ama ka waxeysmi karaan waxa weeye Afgooye iyo Balcad inta u dhaxeysoo la nadiifiyo. Balcad illaa Dekedii Ceel Macaan in la nadiifiyo Gendershe iyo Ceelasha inta u dhaxeyso. Intaas haddii la nadiifiyo waxaan u arkayaa intaasu inay noqonayso arrin lagu guuleystay."
"Arrinta kale waxaan qabaa shacabka Somaliyeed inuu asagana qaato kabaha ay nimanku ku shaqeysanayaan. Waxaan u arkayaa Xamar bay soo galleen, waa soo buuxiyeen, intaasaa tmid waa argagaxin. Waxaan qabaa in si degan loo dejiyo jidka Soddonka, jidka Wadnaha, jidka Warshadaha, in ciidamadu sida jidka Maka Al Mukarama oo kale ay u suubiyaan, loo hagaajiyaa."
"Meelaha ay ka soo gelayaan sida Kaaraan, Huriwaa/Heliwaa, Dayniile, ayadana in la xiro oo ciidamada ay difaac ka dhigtaan iyo meesha la yiraahdo Abagado iyo soonahiisa in la xiro. Markaas kontoroolka gaadiidka imaanaayana meeshaa laga koontoroolo oo guryihiina laga suubiyo. Waxa jidadka isgoysyada la dhigo."
"Degmooyinka iyo Gobolada ay qaataan sida soo socota, degmo kasta ama cid kastaa inay fiiriso goobta ay joogto. Garaash maxaa baabuur ku jira? Degmadu inta baabuur u soo hooyatay waa inay taqaanaa, inta gaadiid joogto waa inay taqaanaa, waxa jira waa inay yaqaaniin. Xagey bay marka wax ka imaan karaan? Marka waxaan qabaa intaasoo dhan in hawlgalka laga suubiyo oo hawshaa sidaa lagu galo, adinkoo iga raali ah."
Caasimada OnlineXafiiska Muqdishocaasimada@live.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>