Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

MADAXWEYNE 5 SANNO OO DANBENA WAAN KU DOORANAYNAA NADAADIHI MA DAALOW By- Eng: Abdirazak yassin maxamed

$
0
0

 
Waxaa wax laga xumaado ah in Madaxweyne kasta oo kursigaa yimiaada laga dayn waayo xagxagasho iyo hadal qadaf ku ah Madaxweynaha oo af xumadu horaa loo yidhi "Afku wuxuu la xoog yahay magliga xawda kaa jara" Madaxweynihii aynu ka sugaynay in uu wadanka wax ka qabto oo horumar gaadhsiiyo oo u fakero halkuu diirada saari lahaa in laga dayn waayo af-xumo iyo hadal aan munaasib ahayn waa taad ogaydeen Madaxweyne Riyaale caydii lagu hayey bal hadaba dadkaygoow madaxweynahaad Doonaysaan ma mid meel kale laydinka keenaa waxaan filayaa malaa hadii Shariifka laydiin keenaa hadalka yarayn lahaydeen oo sidii caadada inoo ahayd war waadida iyo xanta la dhuumashada loo kala dheerayn lahaa .
 
Waxaa wax lala yaabo ah ma waxaynaan fahmin mucaaradnimada iyo sida loo tilmaamo hadii ay xukuumada jirtaa xagal daac samayso ama bariiqato sidii loo dhaliili lahaa oo dhaliishaasi waa toosin in la yilmaamo halkay wax ka si noqdeene, maaha "Personal attack" wax lagaga sheegayo shaqsinimada Madaxweynaha amaba reerkiisa waana qalad waayo weli uma aynaan bislaan hadalada qaarkood in laysku yidhaahdo, waxaan kale oo fari lahaa warbaahinteena in ayna baahin hadalada xaqaa'iqa ka fog ama wax yeelaynaya dadka shaqsinimadooda iyo dacaayadaha xun xun ee dawlada dhaawacaya. Dawlada waa la dhaliili karaa aan ku dhaliilo si aan turxaan lahayn waana la mucaaridi karaa aan mucaaradnimada u meel dayano.
 
Waxaan la yaabanahay sawnigii shalay nacnay dawladii hore ee Dawlada hada Madaxweynaha ka yahay Mujiaahid Axmed maxamed aynu cod Aqlebiyada ku dooranay goor maan sidii xanjo durba macaankii laga dhamaystay bal aan sugno oo dhowro oo hareeraa la qabano ilayn meel baanu kuu dhiibnay wax walbana waa in ay sidaan doonayno noqdaan waxna kula qaban mayno weliba hagardaamo iyo hadal aabihii Go'ay ayaan kula dul joogaynaa isma qabatee. waxaan walaalyaal inigoon magac qabiil ku hadlayn ee mid shaqsi ku hadlaya leeyahay waar aan Madaxweynaha la qabano hareeraa oo afxumada ka dayno wadanku waa keenii inagaa uu inoo shaqaynayaa diranay xoog kumuu imaan berina uu tegayaa inta uu joogo aan la shaqayno.
 
Madaxweyne Mujaahid waxaan ku leeyahay 5 sanno oo danbena waan ku dooranaynaa Na Daadihi Ma Daalow hana iloobin intii kula soo halgantay ee wadankan u indho iyo lugo beeshay geed hoostiina aad sanadaha badan kuwada noolaydeen iyaga iyo maatidoodii baa maanta wadanka ugu liidatee waayo wadamada qurbaha waxaa tixgelin la siiyaa ninkii u soo dagaalamay wadanka shaqadana loogu horaysiiyaa hadii uu mujaahid yahay (May27,1988 Veterans) ha ilaawin waana midaa dardaaranka ah baan ku soo geba gebeeyey.
 
Eng: Abdirazak yassin maxamed
jmladam413@gmail.com
———————————————————————–
 
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>