Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

WARAABOW DHUTI DHUTI OO CAR RAQ KA BAAQSO ? By- Abdi Bashe

$
0
0

 
MUCAARIDKII  DALKU MA WUXUU ULA  EEKAADAY  SIIRAANYO SADDEX NIN OO ISKU HAYB AH????
                                         
Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi wabarakaatu  marka hore waxaan  halkan ka salaamayaa  saxaafada xorta ah shacabka reer soomaliland melkasta oo ay joogaan dibad iyo gudaba waxaan maanta  rabaa in aan wax yar ka idhaahdo hadalo ku soo baxay  saxaafada  oo isdaba socday  mucaarid iyo muxaafidba ku waas oo ahaa dhaliilo loo soo jeediyay xukuumada maanta jirta  oo ay u soo jeediyeen  xisbiyada mucaaridku  oo aan hayn wax saxaafada ku cusub in lays dhaliilo ama si turxaan la,aan ah wax lays kugu sheego mucaarid iyo muxaafidba.
 Maadaama oo aynu dalka wada leenahay oo aynu u wada tudhayno  shalay xukuumada maanta jirtaa mucaarid ayay ahayd maantana iyadaa talinaysa, xaga dhaliisha hadii ay noqoto cidina kama afxuamayn xukuumada maanta jirta  wax kasta waa tii llahayd kabo ku soo saara ulo kusoo dareeriya iyo wax ka daranba.
Waxa mucjiso noqotay in weedhihii mucaaridka ka soo yeedhay ay xukuumada gilgishay kuna kaliftay in xukuumada taakta daran ee daalo dhacaysaa in sidii alqaacida aynu  maqli jirnay saqdhaxe ayay aljazeera soo gaadhsiiyeen cajalad uu  madax waynihii dhamaa ee dalka maamulaayay uu ku hadlo waxaan looga fadhiyin  da’diisa haddii ay tahay  ama mansabkuu maanta joogo haddii ay tahay,
siduu doonaba ha ku yimaadee waxay noqotay hadalkiisii geela ay hashiisii durdurisay aaran kiisana maxaad mooday,  may hayn in madax wayne qaran inta uu afka kala qaado uu u jawaabo saddex nin oo isku hayb ah uu magacaabo una jawaabo waliba si shakhsiya iyadoo labada xisbi  ee hadlay ay cid waliba ka hadashay.
Waxa ay dadka xasuusisay sheekadii SNM ee la yidhi Ahmed siilaanyo ayaa kala jeediyay oo kala jajabiyay  isagoo isla xiligaana u adeegsan jiray qabyaalada maanta ka soo ifbaxday isaga oo ah masuulkii qaranka ku magacaabnaa  waxay noqotay BUUR DUNDUMO CARADDII WAA U DHURTAA  WUXUU KA DHEERYAHAYBA,  mansabkuu hayaa uma muuqdee  waxaa u muuqda  wixii iskaga abuurnaa ee ku jiray  in kastoo dadka u dhadhawi ay leeyihiin inta lasooqoray aya    loo dhiibay warqadan isna wuu akhriyay,  shakigana waxa keenay  maxaa saxaafada looga qarinayaa in uu live u soo  hor fadhiisto ee wixiisa suuqa madow ka dhigay.
Gun iyo gabo gabo waxaan leeyahay umada yaan layska horkeenin walaalaha ah waxa laga soo gudbayna dib ayaan loogu celin sanaca qudhmiyana allow inooga sahal.
 wabi laahi tawfiiq
wasalaamu calaykum
Abdi Bashe
Gaas2003@hotmail.com
———————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles