waxa ay ku faraxsaneyd in ay noqoto ayeeyo,waxa ay joogtaa cusbitaalka qeybta dhalmada waxaana ku jirta mid ka mid ah hablaheedii ay iyadu dhashay oo maanta iyaduna hooyo noqoneysa.waxa in yar ka dib la soo gaadhsiiyey war farxad leh,waxa gabadheedii u dhashay wiil.waxa ay ku qaabishey ayeeyo,waaba nin kuu eeg adiga.waa farxad kale,waa farxadii labaad.waxa markii ugu horeysey ay ku faraxdey in ay iyadu hooyo u tahay inanteeda,waxa kale oo farxad weyn ku beeray ilmaha yar ee u dhashay inantii ay jecleyd.waa jiritaankii tafiirta oo sii xoogeystey kana sii batay intii hore,waa caruurtii ay dhashay,caruurtey sii dhaleen.waa darajo la gaadho laguna faano inta qofku nool yahay gaar ahaan in aad noqoto AYEEYO.90% haweenka bulshadeenu wey wada gaadhaan darajada labaad oo ah ayeeyo marka laga reebo tiro yar oo qadar kale u qoran yahay.
nolosha waalidnimo waa mid halgan cusub kugu fureysa,waa mid wakhtigaaga oo dhan qaadaneysa.wax ciyaar geli kara maaha,waxa ku jira soo jeed iyo fikir badan.waa biilkii,waa xanuunkii caruurta,waa dugsigii etc.arimahaasi oo dhan qof kaa caawiya ama ku saacida ama kaala taliya ama wax kugu tara ayaad u baahan tahay.qofka keliya ee inta badan si hagar la,aan ah uga soo qeyb qaata horumarinta qoyska iyo guriga ayaa lagu tilmaama AYEEYO.
cimriga nolosha ee ragga iyo dumarku isku mid maaha,waxa mar kasta ka badan oo ka cimri dheer dumarka.markaad maqasho 20 odey oo reerka ah ayaa midba maalin la soo aasay,ayaad maqli islaan dhimmatay.Awoowo badani ma noola 80% raggii hore wey wada dhinteen,hase ahaate dumarkii hore in badan ayaa ka sii nool .80% ayeeyooyin ah ayaa weli nool.awoowgu isaguba waa la mid AYEEYDA,hase ahaate maanta isaga kama hadleyno.inta badan ee awoodyada ka dhimmateyna weynu u duceyneynaa.Ayeeyo wey nooshahay,maxaa yeelay nolosha waxa qiimo u yeela ama aan guriga looga maarmi karin waa dumarka.gurigu haddii uu hooyo la,aan ku dhaco ma sii jiro,waanu ka maarmi karaa Aaabaha.caruurta iyo ragga waa weynba kama maarmaan hooyo ama haween guriga u jooga oo soo koriya ama xanuun ku haya.sidaasi ayuu ilaahay cimrigooda u dheereeyey.
AYEEYO macaan ayey caruurtu ku hadaaqaan.waxa kale oo la yidhaahdaa waa AYEEYO korisay.xaafado badan waxa suurta gal ah in AYEEYDOOD ay wada dhinteen,halka qaar badana weli ay u nool yihiin ama laguba tiirsan yahay dhinaca xitaa biilka iyo wax siinta.dad badan ayaan weligood arag AYEEYDOOD ama Awoowgood oo ay ka hor dhinteen.dadka qaarna waxaaba soo koriyey AYEEYO markii hooyadood dhimmatay ama Aabihii uu dhintay.
AYEEYDU caruurta jecelaa,u wanaagsanaa,u naxariisan ogaa.waa beerka beerkiisii kale.hooyo waa hoyn.guriga marka AYEEYO ay joogto wuu ka duwan yahay guriga marka ay ka maqan tahay ama ay ka dhimmatay.guriga marka AYEEYO joogto waxa caruurtu ay ugu farxaan si balaadhan.marka la dilaayo wey ka qabataa,iyada ayaa seexisa maqsinkeeda,iyada ayaa ku soo jeeda ka xanuunsanaya.iyada ayaa xambaarta iyada oo aan qaadi karinba.xitaa mararka qeyb caruurta ka mid ayey qaadataa oo ay soo korisaa AYEEYO.guriga ayaa lagaga tagaa oo caruurta ayey ka sii reebi.inkasta oo ay gabowday,inkasta oo muuqaalkeedii is badalay,inkasta oo ay ayeeyo u eekaatay, haddana weli inta ay sii dhaq,dhaqaaqeyso in ay shaqeyso ayey dooneysaa.qaar badan caafimaad taam ah ayey heystaan,jidhkooduna weli waa xoog.
Waxa isku beegma gabowgii AYEEYO iyo koriinka caruurta,wakhtiga caruurtu koreyso,uguna caafimaadka iyo xooga badan tahay ayey arkayaan AYEEYO ama Awoowo Xanuunsanaya oo guriga lagu hayo.habeenkii markaad soo daahdo, ama marka caruurtu ay waalidka wax weydiisaneyso ayey ka caawisaa in ay ka xaliso dhibaatada.AYEEYO marka ay la hadleyso INANTEEDA waxa ay isticmaaleysaaCAPITAL LETTER laakin marka ay caruurta la hadleyso waxa ay isticmaleysaa SMALL LETTERS.caruur ay dirsan karto oo wax kasta u keenaya ayaa guriga u jooga.
dood baa haddaba ka jirta ama ka taagan marka laga hadlaayo AYEEYO ma waxa loo jeeda mida dhinaca Aabo Mise waxa laga hadlayaa mida dhinaca Hooyo.runtii AYEEYO waa AYeeyo,………………….. dadkana ilaahay ayaa naxariista u kala dhaliyey.waxase xaqiiqo ah in dadka intiisa badani ay amaanaan ama ay jecel yihiin AYEEYDA DHINACA HOOYO.waa ayeey caruurta ku soo dhex nooleyd,waa ayeeyda aan caruurta tuurin haddii la is khilaafo,waa ayeeyda inanteeda caruurta la soo korisa, waa ayeey xitaa haddii inantii dhimmato caruurtii heysa.waa ayeey xitaa caruurta nafaqo ka bixisa oo biil laga helo.waa ayeeyo caruurtu jecel yihiin.AYEEYDA Dhinaca Aabaha dadku inta badan waxa ay ka jecel yihiin mida xagga Hooyada ka soo jeeda.waase fikir dadka qaar ay ku kala duwanaan karaan oo dood dhalin kara.
Ayeeyo waa qaali dad badana waa jecel yihiin.dad badana wey soo korisay.qaarna imika ayaaba gacanta ay ku heysaa.xus oo xasuusnow AYEEYO.aniguna waxaan ku jiraa dadka taageersan in la jecel yahay ayeeda dhinaca hooyo.Grandma………….
Abdifataah Mohamed Ahmed
ceelaabe_10@hotmail.com
↧
NAXARIISTA AYEEYO Wq.Ceelaabe
↧