Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dhibaatooyin culus oo ka taagan deegaanka Gawaan ee magaaladda Dhuusa Mareeb “Daawo Sawirada”

$
0
0

Xaalad cakiran ayaa waxay ka taagan tahay tuulada Gawaan oo qiyaastii 50km u jirta magaaladda Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud, iyadoo dadka ku dhaqan ay ka soo yeereyso qaylo dhaan xoogan.
Xaaladda cakiran ee ka jirta tuulada Gawaan, ayaa waxay salka ku heysaa biyo la’aan ba’an oo soo wajahday tuulladaasi, kadib markii uu jabay ceel biyood ay ka helli jireen biyo wanaagsan oo ku fillan.
Ceel-biyoodka jabay ayaa waxaa weeye isha kaliya ee ay biyuhu ka cabi jireen boqolaalka ruux ee ku dhaqan tuullada Gawaan, oo dhacda duleedka magaaladda Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud.
Shacabka ku dhaqan deegaanka Gawaan ayaa waxay muujiyeen qaylo dhaan xoog leh, waxayna u qaylo dhaamiyeen qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliyeed iyo Hay’adaha Gargaarka ah ee ka hawl-galla gudaha dalka Soomaaliya.
Qaylo dhaanta xoogga leh ee ka soo yeertay shacabka ku dhaqan tuullada Gawaan, ayaa waxaa jawaab ka bixisay Hay’adda Samafalka iyo Dib u Dhiska Bulshada Somaliyeed “Somali Social Relief and Reconstruction Organisation”, oo iyadu dadkaasi u geysay booyada biyo ah.
Hay’adda Samafalka iyo Dib u Dhiska Bulshada Somaliyeed “Somali Social Relief and Reconstruction Organisation”, ayaa waxay bilowday inay gacan ka geysato qaylo dhaanta ka soo yeereysa shacabka ku dhaqan deegaanka Gawaan, kuna aadan biyo la’aanta baahsan ee heysata.
Kolka ay Hay’addu biyaha geysay deegaanka Gawaan, ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay shacabka ku dhaqan deegaankaasi, waxayna qaarkood sheegeen in tani ay ku noqotay mid aysan filleen, isla-markaana waxay muujiyeen sida xoogga leh ee ay ugu mahad-celinayaan.
Biyo la’aanta baahsan ee ka jirta deegaanka Gawaan, ayaa waxaa sida la-sheegay ugu geeriyooday laba caruur, halka dad badanina ay dhibaato xoogan kala kulmeen, biyo la’aanta baahsan ee soo wajahday dadkaasi, iyadoo ay jiraan xoolo badan oo u la’day biyo la’aanta soo wajahday.
Shacabka ayaa waxay qaarkood sheegeen inay heysato wax la’aan baahsan, ayna dhinac ka saameysay abaaraha baahsan ee ka jira Gobolada Dhexe, waxayna Jaaliyadaha Somaliyeed iyo Hay’adaha Deeq bixiya-yaasha ah, ay ka dalbadeen inay gacan u soo fidiyaan.
Madaxa Hay’adda Samafalka iyo Dib u Dhiska Bulshada Somaliyeed “Somali Social Relief and Reconstruction Organisation” Mudane Cabdi Nuur Sheekh Cali Maxamed, ayaa wuxuu Hay’adaha ka hawl-galla gobolka uu ugu baaqay, inay gacan ka geystaan qaylo dhaanta baahsan ee ka soo yeereysa shacabka ku dhaqan deegaanka Gawaan.
Deegaanka Gawaan oo qiyaastii 50km u jira magaaladda Dhuusa Mareeb, ayaa waxaa xilligaan ka jirta biyo la’aan baahsan, waxayna dadku ay muujinayaan sida ay biyo la’aanta baahsan u soo wajahday.








Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles