Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Meydad qoorta laga gooyay oo la soo dhigay ´Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo

$
0
0

Laba meyd oo qoorta laga gooyay ayaa waxaa maanta lagu arkay meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Meydadkan oo mid ka mid ah sida dadka deegaanka laga soo xigtay uu ka tirsanaa mas'uuliyiintii mamulkii Dooxadda Jubbada ee beri Kismaayo ka talin jiray ayaan weli halkaas laga qaadin, cabsi ehelkoodu ka qabaan al Shabaab darteed.

Maamulka al Shabaab ee Kismaayo ka taliya ayaan weli ka hadlin dilkan argagaxa leh ee Kismaayo ka dhacay, sidoo kale waxaa weli mugdi ku jiraan kooxda ama dadka ka dambeeyay dilkan.

Dilalka noocaan oo kale ah ayaa inta badan ka dhaca deegaanada ay al Shabaabku ka taliyaan, waxaana la sheegaa in al Shabaabku ay dadka ku cabsi geliyaan falalkan aad u naxdin badan.

halgankanet@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>