Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

WAR DEG DEG AH: Laba ka tirsan Shirkadaha isgaarsiinta oo deegaanada qaar ee Soomaaliya shaqadoodi laga joojiyay

$
0
0

War deg deg ah oo goor dhow ay baahisay Shabakadda warbaahinta Shabelle ayaa sheegaya in al Shabaab ay ka mamnuuceen shaqadii ay Shirkadaha Isgaarsiinta ee NationLink iyo Telecom u hayeen shacabka ku dhaqan bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa la sheegayaa in shirkadahan xarumohoodi ku yaalay deegaanada ay ka taliyeen ay albaabada u laabeen, sida ay baahisay idaacaduna weli lama oga sababta keentay talaabadan.

Maamulka iyo madaxda Shirkadahan ayaa weli war rasmi ah ka soo saarin amarkan al Shabaabku ay dul dhigeen shaqooyinkoodi, sidaas si la mid ah, al Shabaabku weli wax hadal ah kama soo saarin falkan ay ku mamnuuceen sida la soo sheegayo shaqadii shirkadaha isgaarsiinta.

halgankanet@gmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles