Garowe(Puntlandi.com)Waxaa maanta garoonka diyaaradaha ee Garowe ka soo dagey dhakhaatiir ka socota dalka Britian oo in mudo ah laga sugayey magaladda Garowe,dhakhaatiirataasi ayaa galinka danbe ee maanta isbitaalka wayn ee magaladda Garowe ka bilaabaya qaliimo lagu samayn doono caruurta Faruuran ee ku dhaqan deegaanadda Puntland.
Dhakhaatiirta maanta soo gaartey magaladda Garowe ayaa tiro ahaan ka koobnayd 9 dhaktar,ayadoo maalinta bari ahna la sugayo 6 kale,sida uu Radio Garowe u sheegey Dr C/risaaq Garwayne oo kamid ah saraakiisha wasaaradda caafimaadka ee Puntland.
Maamulka isbitaalka wayn ee magaladda Garowe ayaa diwaangaliyey in ka baddan 200 oo caruur faruuran ah,kuwaasi oo laga kala keeney goboladda iyo dagmooyinka kala duwan ee Puntland.
Saraakiisha wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale sheegey in dhakhaatiirtani ka socota dalka Britian ay joogi doonan mudo kusiman Lix casho,ayadoo sidoo kale masuuliyiintu ay shaaciyeen in wafdigani ay ka balan qaadeen in joogi doonaan tan iyo inta ay ka dhamaystirayaan qaliimada ay u yimaadeen ee ku aadan caruurta Faruuran.
Shacabka magaladda Garowe-na si aad ah ayey u soo dhaweeyeen wafdigani dhakhatiirta ah ee ka socota dowladda Ingiriiska,waxaana dhakhaatiirtani ay imaanayan ayadoo maalin ka hor ka dhoofeen magaladda Galkacyo wafdi dhakhaatiir ah oo ka socdey dalka Turkiga kuwaasi oo mudo hawlo caafimaad ka wadey magaalooyinka Bossaso iyo Galkacyo ee Puntland.
Xafiiska Puntlandi Garowe
↧
War Dag dag ah.Dhakhaatiir ka socota dalka Ingiriiska oo maanta Garowe soo gaarey.
↧