Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Maamulka G/Banaadir Oo Hakiyay Boob Loo Geysanayay Dhul Ay Dowladdu Laheyd

$
0
0

Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho oo maanta kormeer ku tagay dagmada Shangaani ee gobalka Banaadir ayaa  hakad geliyay boob baahsan oo ka socday dhul ay leedaha dowlada Soomaaliya
Dhulkan la boobay oo ay laheyd wasaaradda howlaha guud iyo guryeeynta xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa ka socday dhisme ay ka Wadeen dad sheegay in ay dikumentiyo sharci ah u heystaan.
Guddoomiyaha maamulka gobalka ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uusan raali ka noqonkarin in dhul danguud ah la iska dhisto isagoo intaa raaciyay  in uu jirro amar arintan la xiriira oo ka soo baxay maxkamadda sare ee dalka.
Mudane Maxamuud Axmad Nuur Tasan ayaa digniin u jeediyay Shaqsiyaadka haatan ku howlan dhul boobista waxuuna ku booriyay Hay’adaha Kala duwan ee dowlada in ay dhistaan dhulalka ay ku leeyihiin magaalada Muqdisha si bulshada loogu adeego.
Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobalka ayaa sheegay in kadib markii ay ka warheleen raashina roob waqti hore ku Da’ay misna Dhagxaan isku badalay kaas oo inta Jawaannada laga badalay lana Garaacay dibna loogu iibinayo suuqyada magaalada Muqdisha kaas oo uu gudoomiyuhu amar ku bixiyay in dab la qabadsiiyo.
Sidaas oo kale gudoomiyaha ayaa uga digay ganacsatada Soomaaliyeed in ay raashinkan oo kale ay ka iibiyaan bulshada isagoo ka hadlay qatarta caafimaad ee uu bulshada ku keeni karo waxaana uu ku booriyay maamulka dakada Muqdisho in ay ka foojignaadaan in raashin aan tayeysneyn uu ka soo dago dakada magaalada Muqdisho.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>