Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Mas’uuliyiin Ka tirsan Xukuumadda Oo Kormeer Ku Tagay Suuqa Bakaaro

$
0
0

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa maanta kormeer ku tagay suuqa bakaaraha iyagoo u kuur galayay xaaladda amaanka ee suuqaasi.
Kormeerkan howleyd oo ay maanta ku tageen suuqa Bakaaraha Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo ay ka mid ahaayeen wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga Qaranka,  taliyaha ciidamada Booliiska, Guddoomiyaha Maxkadda ciidamada qalabka sida, agaasimaha hey’adda nabadsugidda Qaranka iyo mas’uuliyiin kale ayaa u jeedada kormeerkoodu waxa uu ahaa sidii loo dhameystirilahaay howlaha lagu sugayo amaanka suuqa si dib loogu furo ganacsiga suuqa bakaaraha.
Mas’uuliyiintani ayaa mudadii ay joogeen suuqaasi waxa ay kormeer ku soo mareen qeybaha kala duwan ee suuqaasi, iyagoo warbixin ku saabsan ammaanka suuqaasi ka dhageeystay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan suuqaasi.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka mudane C/xakiin Cige Guuleed oo ayaa sheegay in dowladdu xil weyn iska saareyso sidii dib loogu furi lahaa goobaha ganacsiga ee suuqaasi, wuxuuna ganacsatada ku booriyay in ay furaan goobahooda ganacsiga si loo sameeyo  baaritaanoo la xiriira amaanka.
Taliyaha ciidamada Booliiska S/Guuto Shariif Shiiq’unaa Maye ayaa isna sheegay in la furayo suuqa bakaaraha maadaama uu waqti dheer xirnaa,  isagoo hoosta ka xariiqay in la hubiyo goobaha ganacsiga ee xiran .
Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in marka la baarayo goobaha ganacsiga ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ay goob joog ka haan doonto si uu san u imaanin wax shaki ah isagoona ugu baaqay ganacsatada in  ay u hogaansamaan awaamiirta loo jeediyay lana shaqeeyaan ciidamada Dowladda.
Kurmeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladdu ugu jirto sidii ay u xaqiijin laheyd amaanka suuqaasi si loogu furo ganacsigii suuqaasi.
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>