Muqdisho (RBC) Hay’adda CAN International ayaa Maanta deeq raashiinka qalalan ah waxay gaarsiisay 408-Qoys oo barakacayaal ah kuwaasi oo ku sugan xero ku taalla xaafada Zone-K ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Deeqdan oo isugu jirtay bariis, bur, sonkor, saliid iyo haruur ayaa laga qeybiyey mid ka mid ah xeryaha ay ku nool yihiin dadka ugu liita ee ku sugan goobaha barakacayaasha degan yihiin ee Muqdisho.
Madaxa qeybta mashaariicda ee hay’adda CAN international Maxamed Axmed Hiraabe oo aanu wax ka weydiinay deeqdan maanta la gaarsiiyey dadka barakacayaasha ayaa sheegay in deeqdan ay tahay tii ugu hreysay, ayna ku saleeyeen hada sida dadka u kala daran yahay.
Maxamed Axmed Hiraabe- madaxa mashaariicda hay'ada CAN International
Wuxuuna Hiraabe intaa ku daray inay qorsheynayaan inay sii wadaan bixinta raashiinkan bil kasta, illaa iyo inta ay dadka barakacayaasha ee liita ay ka soo kabanayaan.
Qaar ka mid ah dadkii ka faa’ideystay raashiinkan maanta la gaarsiiyey oo isugu jiray haween carruur wata, waayeelo iyo xitaa dad curyaamiin ah ayaa si aad ugu farxay deeqda maanta la siiyey iyagoo uga mahadceliyey intii isu xilqaantay inay gurmadkan soo gaarsiiyaan maanta.
Hooyo curyaan ah oo raashiinka deeqda heshay
Haweeney curyaan ah oo gaari gacan lagu siday oo ka mid ahayd dadkii raashiinka la siiyey oo RBC Radio weydiiyey xaaladeea ayaa sheegtay in mudo 9 bilood ah ay ku jirtay xeradan barakaca ah waxayna tilmaantay inay tahay markii ugu horeysay oo deeq ay hesho.
Haween ka mid ah kuwii deeqda la siiyey
Oday 70 jir ah indhoolna ah oo deeqda heley
Xasan Cali oo ah oday 70 jir ah indhoolna ah oo ka mid ah dadkii raashiinka la siiyey ayaa sheegay inuu ku farxay raashiinka la siiyey, isagoo sheegay in tan iyo intii uu xeradan ku jiray uusan helin wax gurmad ah.
Hooyo noo sheegtay inay ka soo barakacday gobolka Sh/Hoose
Deeqaha noocani oo kale ah ayaa wax badan ka tari kara inay isbedesho xaalada dadka barakacayaasha ee ku sugan Muqdisho kuwaasoo tiradooda ay kor u dhaafeyso 20,000 ruux isla markaana aan weli heysan gurmad ku filan.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho
↧
Hay’adda CAN International oo Maanta Deeq Raashiin ah u Qeybisay in Ka Badan 400-Qoys oo Barakacayaal ah oo Sugan Muqdisho (Sawiro)
↧