Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Xarakada Al Shabaab oo maanta xitray Xaruunta Dahab Shiil ee magaaladda Jowhar

$
0
0

Xoogaga Shabaab ayaa waxay maanta xireen Xaruunta Xawaaladda Dahab Shiil ee magaaladda Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo aan la-kala cadeyn sababaha dhabta ah ee loo-xiray Xaruuntaan.
Ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo oo watay gawaarida dagaalada, ayaa waxay saacado kahor ay taggeen Xaruunta Xawaaladda Dahab Shiil ee magaaladda Jowhar, gaar ahaan xaruunta ku taalla Xaafadda Hanti-Wadaag.
Ciidamadaan ayaa waxay shaqaalaha xaruunta ay ku amreen inay ilbaabada iskugu laabaan, iyagoo aan kala cadeyn sababaha dhabta ah ee loo-xiray, bacdamaa aysan weli ka kala hadlin Shabaab iyo Maamulka Dahab Shiil ee Jowhar.
Xilli dad badan lacago loo-soo diray dibadaha ay hor-taagnaayeen shirkada si’ay lacagaha u qaataan, ayaa waxaa goobtaasi soo gaaray ciidamo hubeysan oo ka tirsan Shabaab, waxayna dadkaasi ay ku yiraahdeen “Ordaha dib iskaga laabta”.
Inkastoo aysan cadeyn sababaha dhabta ah ee loo-xiray Shirkada Xawaalada Dahab Shiil xaruunteeda magaaladda Jowhar, ayaa waxaa isa soo taraaya wararka sheegaaya, in uu khilaafaad u dhaxeeya Shabaab iyo Maamulka Guud ee Xawaaladda Dahab Shiil.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>