Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inaysan marnaba aqbalin isla markaanta taageerin dacwad uu wado Peter King

$
0
0

Mudanaha aqalka Mareykanka ee Peter T. King, ahna guddoomiyaha guddiga arrimaha amniga ayaa dhawaan ku shaaciyay boggiisa internet-ka in dowladda Soomaaliya ay taageereyso dacwadaha ka dhanka ah muslimiinta oo uu wado. Dowladda Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay maanta oo Axad ah soo saartay ku sheegtay inaysan marnaba taageerin dacwadaha uu Kign ku dhawaaqay bishii Maarso.
Warsaxaafadeedka xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali uu aad ula yaabay kaddib markii uu ogaaday in mudane Peter King uu shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay siisay ballanqaad ah inay si buuxda u taageereyso kalana shaqeyneyso dacwadaha uu wado.
“Dowladda Soomaaliyeed waxay canbaareyneysaa Peter King aragtiyadiisa ku aadan xag-jirnimada oo ah kuwo khilaaf dhalin kara, dowladda KMG Soomaaliya sinna uma taageeri karto dacwadahaas, mana la shaqeyn karto Peter King,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa yiri: “Dowladda KMG Soomaaliya marnaba ma taageereyso dacwadaha is-daba jooga ah ee diiradda lagu saarayo muslimiinta. xukuumaddeydu ma taageereyso arrintaas, mana la shaqeyneyso shaqsi khilaaf-wade ah, isla markaana aragtidiisu tahay mid gaaban. Dowladda KMG Soomaaliya waxay taageeri kartaa oo kaliya aragtiyada aan khilaaf keeni karin. Dambi walba waa in loo eegaa si gaar ah, cid allaale iyo cidii danbi gashana waa mid aan lasoo dhaweynayn, waana in la horgeeyaa maxkamadda oo si cadaalad ahna loo xukumo, iyadoon aan koox ka tirsan bulshada la faquuqayn.”
Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda KMG ah ay safka hore kaga jirto la dagaalanka argagixisada, ayna ka shaqeyn doontaa sidii kooxaha argagaxisada ah looga cirib tiri lahaa dalka iyo adduunkaba. Sidaas daraadeed, ma jiri karto xaalad keeni karta oo aan ku taageeri karno shaqi ama shaqsiyaad oo si cad u faquuqaya muslimiinta, kuna tilmaamaya argagaxiso.
Ugu dambeyn, qoraalka xukuumadda ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay weydiisanayso mudanaha aqalka Mareykanka Peter King inuu ka saaro qoraalka uu kusoo saaray boggiisa internet-ka oo sheeganaya in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali uu ku biiray taageerayaasha fikirkiisa dacwadaha uu kusoo oogayo dad gaar ah. Warkaas waa mid aan sal iyo raad toona laheyn oo la been abuuray.
Source-Hol


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>