Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Wasiirka Kalluumeysiga DKMG ah oo sheegay inaysan jirin wax xadeyn ah oo lagu sameynayo badda Soomaaliya

$
0
0

Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda DKMG ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Sheekh Ibraahim oo ka qaybgalay kulan looga hadlayay xadeynta badda Soomaaliya oo ay xildhiabannada baarlamaanka Somalia ku yeesheen xaruntooda Muqdisho ayaa sheegay inaysan jirin wax xaddeyn ah oo lagu sameynayo badda Soomaaliya.
Kulanka oo uu shir-guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad baarlamaanka C/weli Sheekh Ibraahim Muuddeey ayaa sheegay in kulanka ay kasoo qaybgaleen 290 xildhibaan, isagoo daboolka ka qaaday inaysan jirin cid ay ka ogolaanayaan inay badda Soomaaliya dalaal ka noqoto.
“Waxaan xukuumadda KMG ah ku wargelinaynaa inaysan ka qaybgelin shir walba oo ku saabsan xadeynta badda Soomaaliya inta arritan uu baarlamaanka go’aan ka gaarayo,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka baalamaanka, isagoo intaas ku daray in su’aalaha la weydiinayo wasiirka ay noqdaan kuwo ku saabsan sharciga badaha, isagoo xildhibaannada kula taliyay inay ka fogaadaan wax xamaasad ah.
Intaa kaddib waxaa goobta ka hadlay wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda DKMG ah, C/raxmaan Sheekh isagoo sheegay in kulankii uu kaga qaybgalay dalka Seychelles aan looga hadlin xadeynta badda Soomaaliya.
“Waxaan halkan ka caddeynayaa in shirkii Seychelles aan looga hadlin xadeynta badda Soomaaliya. Waxaana sidoo kale caddeynayaa in aniga iyo xubnaha kale ee wasaaradda aan qabno fikirka baarlamaanka ee lagu difaacayo badda Soomaaliya,” ayuu wasiirku ka sheegay kulankii maanta.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu xidhibaannada weydiistay inay dib ugu dhigaan su’aalaha ay weydiinayaan isagoo sheegay inuu ku socdo safar, waxayna xildhibaannada qaar ka mid ah ka digeen xadeyn lagu sameeyo badda Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay inay hordhac u tahay qorshe la doonayo in dalka oo dhan lagula wareego.
Xildhibaannada baarlamaanka ayaa doodo adag ka yeeshay xadeynta badda dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay inaysan aqbalayn, halka kuwo kalena ay soo jeediyeen in qorshahan oo dhan la joojiyo, maadaama horay baarlamaanku uu u diiday arrinta ku saabsan xadeynta badda Soomaaliya.
Source-Hol


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>