Marka hore waxan tacsi tiiranyo leh udiraya dhamaan walidiinta ay ka geeriyoodeen
Caruurtoodi iyo kuwoodii ay jeclaayeenee ku qudhbeelay kadib qaraxi is midaaminta aan loo meel dayin
Ee lagu qaday ardaydii, muqdisho inta kadib
Waxa iyana halisa wayn galay ardayda rer somaliland ee loo diray muqdisho si ay uga
Gudbaan Turkey oo siisay (scholarship) kadib markii si aan ila hada lagaranayn sababteda
Oo cad loo geeyey ardayda magalada holcaysa ee muqdisho oo ah goob ku caan baxday
In lagu cuno beerka caruurta da,yarta ah ee wax baratay arimo siyaasado ubadan oo si
Wax shinimo ah maalin walba loogu laayo raxan raxan iyadoo hadhawna lagu dhibco tirsado
Laguna faano sida ay warbaahinta ka sheegayeen qoladii shegatay dhiiga ubadka hadaba
Waxa isweydiin leh kuwa cabaya dhiiga caruurtoodii ma cafiyayaan caruur islaameed oo dalkale
Ka yimid maya weeyi jawaabta su,asha fududi hadaba
Waxa ila hada aan raba inay iiga jawaabaan xukuumada somaliland ee ardaydan masuulka ka ahayd
Gaar ahan wasaaradi waxbarashada ee ardaydan loo xilsaaray sababta ardayda rer somaliland loogu
Khamaaray naftooda markii loo ogalaaday si,aan xikmad badani ka danbaynin ee ah iga gee in ardayda loo
mariyo (route) qaldan oo ah inay (transit) ku marayaan magalada gubanaysa ee muqdisho halkaas oo ay halis
ugu jiraan markasta inay weeraraan argagaxisada wareersan
Ee shalay ardayda muqdisho kulaysay iyagoo waliba somaliland na aad ugu cadhaysan oo aynu
Ogayn weerarkii 29/ oct/2008 ay kusoo qaadeen somaliland argagaxisada alshaydaan ee muqdisho
Dhiiga dadka muslimka ku xalashaday iyo meel walba oo ay gaadhi karaanba somaliland
Waxay ayku mah maahan nin sigtay ma nabad galin waayo ardaydaa muqdisho jooga halis
Ayay ugu jiran anytime inla wax yeeleeyo madaama aanay meesha ka jirin dowlad itaal leh
Oo sugi karta ardayda amaankooda ardaydan oo lagu sheegay sidan warar lagu kalsonyahay
Ku helay ila 35 inay gaadhaan somaliland ma samraysa hadii ubaaxaa wadanka dhayal lagu
Laayo jawaabta su,ashaasi wa maya takale waalidiinta caruurta dhashay iyagu miyayna ka damqanayn
In caruurtooda laga geeyo muqdisho madama meesha lagu socda tahay Turkey oo loo mari karo
Meel walba oo aan ka ahayn meshan halista badan ee muqdisho ee dadkeedii gubayaan hadiise
Ardayda ilahay ka bad baadiyey waxii ardayda ku dhacay la midka ahayd een waxba galabsan
Haleelo maxay inoo taraysa qoomamo wayo wax la aqbali karo maaha inagoo rer somaliland ah
Oo sheganayna inan nahay dowlada madaxbanaan inan ardaydeena laga xukumo muqdisho
Oo naftooda halis lagu galiyo mise danba lagama laha oo sheekadu wax weeyi mar hadii kuwaygii
Anka warqabo waxba igama galin qar kale miyanay masuliyad culusi dowlada ka saarayn ilaalinta
Iyo check garaynta halka ay ardaydu marayso inay ugu horayn noqoto meel ay ku nabadgeli karan
Ardaydu wayo de haday dhintan waxbarasho aaqiro ka keeni mayaan.
Guntii yo gabo gabadii malaha dowladan siilaanyo waxa looga taliyaa muqdishee mar ay wasiro kiish
Lacaga ugu dhiibto iyo mar ay ubaxii wadanka loo diro meel aan nabadeedu daganayn oo waxkasta
Ku dhici karan waxan arkayay dowlada oo leh ardaydu waxay ku dhoofeen passborka somaliland iyo
Muqdisha lasii marinaya isma qabtaane tolow labada goor markee ayay dowladu caafimaad qabta
Arintan wa in lasameeya badhitaan xoog leh oo ku aadan waxa kalifay in ardayda waliba lasheegay
In somaliland dowlada Turkey gaar usiisay tiradan ardayda ah iyo inay ku dhoofen passport haday
Sheekadu anay siyaasadaysnayn oon wasarada tacliinta ee muqdisho sii ansixinayn ardayda oonay
Waliba itaxan kaga qaadayn muqdisho wa in dadwaynaha rer somaliland laga qanciya loona sheega
Sababta dhabta ah ee kadanbaysay in ardayda halis lagaliyo lana marsiyo muqdisho.
Allaa mahad leh
Abdiqani ibrahim salaf (kaptanka)
Political activist
Cape twon south africa
captainsalaf@hotmail.com
abdiqanisalaf@facebook.com
———————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla
↧
Xukuumada siilaanyo khatar bay Galisay ardayda muqdisho martay Waalidiintuna way ku khamareen Caruurtooda W.Q abdiqani salaf
↧