Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Marwo Samsam Cabdi waa in ay iska casishaa jagada ay u heyso shacabka reer Somaliland‏,By: Mohamed Kadar Abdi

$
0
0

Horta waxaa nasiib darro ah inay awoodi kari weydey dawlada Somaliland iney ardeydeeda deeqda wax barasho ka heshey dalka Turkiga, iyadu u qaado wadankaas  una sii marisey koonfurta Soomaliya  oo waliba ardeyda  reer somaliland  lagu qasbo in loo sameeyo baasabor soomali taasoy iardeydu siteen somaliland Passport.
Ka dib qaraxii ka dhacey magaalada Muqdisho shaley  markii aan indho indeeyey xaalada ay ku sugnaan karaan  17 ardey ee reer Somaliland ee ku sugan ilaa iyo imika goob dagaal ama qaraxyo, walidkood iyo dhamaan shacaka reer Somaliland oo dhami.  Ka dib markii aan ogaadey in  ardeyda joogta ilaa iyo imika Xamar aaney ku ahey meeshaas (Transit) ama hakad ay diyaarad ku sugayaan.  Iyo  sida aaney ugaba hadal dawlada uu madaxweyneha ka yahey Mudame Axmed Siilaanyo iyo khaasatan wasiirkiisa wax barashada marwo  Samsam. Qirteenna iney ardeydu iska wada nabad qabaan. 
 
waxaa inoo muuqaneysa iney marwo Samsam ku fashilantey hawshii lo xilsaarey, mudantaheyna  iney iska casisho jagadaas, waayo caruur yar yar oo aan arag wax qaraxa tan iyo maalintey dhasheen,  ayay wasiiradu iyo xukumaduba  iyagoo  u ogaa si aan habayaaatee wax mad madwo ahi ku jirin in lasii mariyo loona baahnaa iney qaataan baasabooro dawlada Somaliaya bixiso !!   ka qaraiyeen shacabka reer somaliland oo iyagu ahaa kuwii u doortey iney maanta hogaanka u qabtan dalkan iyo dakiisaba ugana hiiliyey xukumadii iyaga ka horey sey ee uu hogaamin jirey Daahir Rayaale.
 
Waxan hadalkeyga kusoo gaba gabeynayaa waxaan in badan ka maqalnaa Tv yada ama idaacadaha caalamka  in wasiiro badani iska casilaan markey arin adagi ku timaado hawsha ay markaas u hayaan qarankooda imika iyo haatana waa iney marwo Samsam iska casishaa jagadaas.
 
Iscasiladina macnahedu maaha inaaney laheyn khibradeeda waxeyse tahey waay ku fashilantay arintaas waxaana fiicnaan laheyd ka hor intaaney soo bixin wararkii shaageyey in ardeydii ka degeen Xamar iyadu wasiir ahaan warbaahinta ka sheegto sababaha keeney iney xamar ka dagaan iyo hadiiba ay dhacdey taasi sheegto  muddo da aysii joogi laheeyeen.
Wabillaahi towfiiq
 
Somaliland deserve recognition
 
 
 
Mohamed Kadar Abdi
hogaamintosan@hotmail.com
Limoges France
 
———————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>