Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Ku Sugan Gobolka Mudug..SAWIRRO

$
0
0

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa dhowaanahaan ku sugnaa wafdi uu hogaaminayo taliyaha Ciiidamanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayna ku wehliyaan safarkiisa saraakil ka tirsan ciidamada Amiso.
Wafdigan ayaa intii ay ku sugnaayeen deegaannada Puntland iyo Gal-Mudug waxa ay kulamo la qaateen madaxda maamullada, saraakiisha ciidamada iyo qaybaha bulshada, waxaana muhiimadaha ay u yimaadeen qayb ka ah sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha ammaanka ee gobolada iyo adkaynta nabad galyada guud.
Maalinnimadii shalay ayaa wafdigu waxa uu kulan wada jir ah la qaatay saraakiil ka kala socota Puntland iyo Gal-Mudug, waxaana ay ku wada heshiiyeen sidii ay u samaysan lahaayeen iskaashi buuxa oo ku saabsan sugidda nabad galyada.
Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. C/qaadir Sheekh Cali (Diini) oo hogaaminayay wafdiga ka socday dawladda federaalka ah ayaa Warbaahinta qaranka Soomaaliyeed waxa uu uga warramay wixii u qabsoomay iyo u jeeddada socdaalkooda, waxaana uu sheegay in ay ku guulaysteen guud ahaan qorshayaashii socdaalkooda ee ay u yimaadeen deegaannada Gal-Mudug iyo Puntland.
Wafdigan ayaa waxa ay ku guulaysteen in ay heshiis iskaashi ah dhex dhigaan maamulada Puntland iyo Gal-Mudug, kaasoo ku saabsan sidii ay isaga ganac siin lahaayeen sugidda nabadda iyo la dagaalanka argagixisada.
Socdaalkan, heshiisyadan iyo hawlahani ugubka ah ayaa waxa ay ku soo aadayaan iyada oo la qorshaynayo in dhowaan magaalada Garoowe lagu qabto kulan wada tashiga ee Soomaaliya oo wajigiisii koowaad horay loogu qabtay magaalada Muqdisho.










 
Mahad Jama Koronto
 
Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.
Gaalkacyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>