Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ciidamada Puntland oo Caawa Gaalkacyo ku Toogtay Nin Ganacsade ah

$
0
0

Gaalkacyo (RBC) Ciidamada Puntland ayaa caawa xilli ay hawlgal ka sameynayeen xaafada Israac ee waqooyiga Gaalkacyo ku toogtay mid ka mid ah ganacsatada deegaanka oo ku sugnaa agagaarka Dugsiga sare ee Cumar Samatar.
Dilka ninka ganacsadaha ah ayaa ka dambeeyey hawlgal ay ciidamadu ku doonayeen inay ku soo qabtaan nin ay ka shakiyeen oo ay ku raad joogeen kasoo sida la sheegay ku hubeysnaa bastoolad una baxsaday dhanka xaafada Israac.
Goob jooge Raxanreeb u waramay ayaa sheegay in ciidamada ay rasaas ku fureen ninkii ay ceyrsanayeen hase yeeshee waxay rasaastii haleeshay ninka ganacsadaha ah oo markii hore dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaalka balse markii dambe ku geeriyooday isbitaalka.
Magaca ninka ganacsadaha ee la dilay oo aan isku daynay inaan helno ayaan noo suurtagalin, laakiin waxay goob joogayaashu noo sheegeen in uu ka mid ahaa ganacsatada shidaalka ee Gaalkacyo.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay u suurtagashay inay qabtaan ninkii ay markii hore dabajoogeen oo ay ka soo qabteen xaafada Israac deedna ay xabsiga u taxaabeen iyagoo la wareegay bastooladii uu sitay.
Ma cadda waxa uu ahaa ninkan ay boolisku cerysanayeen iyo falka ay ciidamadu u doonayeen.
Saraakiisha booliska ee Gaalkacyo oo Raxanreeb caawa telefoon ku wacday ayay suuragali weysay inaan is helno si aan wax uga weydiino toogashada caawa ka dhacday xaafada Israac.
RBC Radio


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>