Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Roob biyo dhig sameeyay oo garowe kada’ay.

$
0
0

Magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ay ka de’een roobab xoogani kuwaasoo ay dadku ku diirsadeen, sidoo kalena waxaa ay roobabku ka da’een meelo kale oo kamid ah deegaanada iyo Miyiga hoosyimaada caasimada dawlada Puntland xili ay deegaanadaas saacadihii ugu danbeeyey ka jireen kulayl dhanka Cimilada ah iyo xirnaan dhanka hawada ahi.
Roobab kale ayaa labadii cisho ee ugu danbeeyey ka da’ayey meelo badan oo kamid ah dhulka hoosyimaada degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal ilaa deegaano kamid ah Howdka dhulkaas, sidoo kalena waxaa ay roobab xoogani labadii cisho ee lasoo dhaafay ka da’een meelo badan oo kamid ah Caduunka gobolka Mudug ee dhanka bariga ah ilaa xeebta gobolka Mudug kuwaasoo ay Roobabku wada gaareen islamarkaasna dadka iyo duunyaduba ku qabowsadeen Nimacada Alle.
Xafiiska wararka widhwidh online G/E.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>