Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ciidamada qaranka Kmg Liibiya oo riixid ku sameeyay taageerayaasha col.Qadaafi iyo ciidamada daacada u ah qadaafi oo iska caabinaya.

$
0
0

Kadib weerarkii ugu cuslaa mudo asbuucyo ah oo ciidamada golaha qaranka ku meelgaadhka ah ee dalka Libya ku qaadaan magaalada Sirte ayaa xoogaga TNC waxaa u suuragashay in ay dib u riixaan dagaalyahamiintii taabacsan hogaamiyihii Libya ee awooda laga tuuray Col Mucamar Gaddafi.
Ciidamada golaha qaranka ku meelgaadhka ah ee Libya oo dagaalka u isticmaalaya hub aad u culus ayaa garaacay degaanada ay ku suganyihiin ciidamada daacada u ah Col Gadaafi, waxana dab qabsaday guryo badan oo ku yaaley magaalada Sirte , iyadoo magaalada ay weli ku  go’doonsanyihiin kumanaan qof oo meesha dagaalku qabsaday.
Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay  dagaalada kasoo cusboonaaday  magaalada sirte  jimcihii shalaytoiole , waxana sida dhakhaatiirta magaaladu sheegayaan  dhaawaca dadka rayidka ah uu marayaa 190 qof , iyadoo saacadba saacada ka dameysa qasaaruhu uu isasoo tarayo.
Dagaalka magaalada Sirte ayaa imanaya , iyadoo ku dhowaad laba bilood ay kasoo wareegtay markii ciidamada golaha qaranka ku meelgaadhka ah ee Libya   oo horay  u ahaa falaago dagaal kula jirtay xukunkii Mucamar Alqadaafi ay si guud u qabsadeen dalka Libya.
Ciidamada golaha qaranka ku meelgaada ee Libya ayaa magaalada sirte kasoo hujuumay  dhinaca Misrata  oo ah galbeedka iyo dhinaca Bengazi oo iyana ah dhinaca bariga , waxana ay  imika balan ku qaadayaan in dagaalka ay kusoo afjarayaan maalmo kooban.
Xafiiska wararka widhwidh online G/E.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>