Kooxo hubaysan oo madaxa soo duubtay ayaa magaalada Qimishli ee waqooyiga dalka Suuriya ku dilay xubin mucaarad reer Suuriyaan ahaa oo kasoo jeeda qowmiyada Kurdiyiinta.
Mishcal Tamuu oo ahaa mcaarid Kurdish ah ayaa xubin ka ahaa xisbiga Al-Mustaqbal ee ay leeyihiin Kurdiyiinta oo laga Mamnuucay dalkaasi Suuriya, iyo weliba golihii ay dhowaan mucaaradka Suuriya kusoo dhiseen dalka Turkiga ee loogu magacdaray golaha wadaniga ah ee Suuriya.
U dhaqdhaqaaha Kurdishka ah ee la dilay ee Mishcal Tamuu ayaa waxaa gurigiisa ugu soo galay 4 nin oo hubaysan oo masgaraati oo xabado ku ganay , waxana kooxahaasi dhaawaceen wiil uu dhalay iyo gabadh ka tirsanayd kooxaha u dhaqdhaqaaqayaasha reer Syria oo lagu magcaabo Zaahida Rashkiilo.
Golayaasha isku xidhka kacaan-wadaaysha Suuriya ayaa sheegay in kooxaha dilay Mishcal Tamuu ay u muuqdeen kuwo , lasoo abaabulay, islamarkaana hawlgalka u fuliyey si kalsooni ku jirto.
Xafiiska wararka widhwidh online G/E.
↧
Muwaadin suuriya ah oo lagu dilay wadankaasi.
↧