Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Brack Ubama oo sheegay in ay wiiqday awooda al-qaacida.

$
0
0

Madaxweynaha dalkaasi Maraykanka Brack Obama ayaa hadal uu ugu talagalay sanad-guuradii 10aad ee kasoo wareegta dagaalkii maraykanku uu 10 sano  ka hor ku qaaday dalka Afghanistan ku sheegay in ururka Alqaacida uu u muuqdo mid laga adkaaday, waxana President Obama amaanay dadaalkii naf-hurnimada ahayd ee ay sameeyeen ciidamada dalka Maraykanka waaa sida uu hadalka u cabiraye.
Madaxweyne Obama ayaa xusay in marykanku uu usoo afjarayo dagaalada Afganistan iyo Ciraaq si masuuliyadi ku jirto, waxana uu tilmaamay in loo baahanyahay in dadaalkaasi la xoojiyo.
“ ka hor taban sano xiligan  oo kale  dalkeenu isagoo ka jawaabaya xad-gudubyadii 11kii September ,waxa uu uu galay dagaal ka dhana ah Alqaacida iyo kuwii hoyga siiyey ee daalibaan, markaa toban sano kadib markii  la sameeyey naf-huritaan ay ku dhinteen 1,800 (kun iyo sideed boqol) oo muwaadin oo American ah waxa muuqata in Alqaacida ay wiiqantay oo awoodeedii la yareeyey, maraykankuna waxa uu ku jiraa waqtigii uu ugu dhowaa ee lagu jebinlahaa Alqaacida iyo shabakadaheeda dagaalka” ayuu yiri madaxweyne Obama.
Sanad-guurada 10aad ee kasoo wareegtay dagaalkii lagu qaaday dalka Afghanistan ayaa kusoo aaday , iyadoo bilo ka hor la dilay hogaamiyihii ururka Alqaacida Sheikh  Usaama Benladen iyo xudbno sarsare oo ka tirsana ururka Alqaacida oo  uu ugu dameeyey hogaamiyihii Alqaacidada ee Jasiirada carbeed Sheikh Anwar Al-cawlaqi.
Xafiiska wararka widhwidh online G/E.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles