Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

War Deg Deg Ah.Policka Galkacyo Oo Baris Sameeyay Gacantana ku Dhigay Shaqsiyaad Tuhumo Galeen.

$
0
0

Galkacyo(Puntlandi.com);- Ciidamada amaanka Magalada Galkacyo oo maalmihii udanbeeyay lagaliyay heegan aad u sareega magaladana ka bilaabay hawlgalo amni sugida ayaa cawa fiidkii Bartamaha magalada waxaa ay gacanta ku dhigeen shaqsiyaad laga shakiyay.
Ciidamada hawlgalka waday ayaa dabagal ku sameeyay shaqsi ay ka shakeyeen mudana ay ku dabajoogeen sida saraakiisha ciidanka horkacaysay ay sheegeen kaa oo markii ciidamada amar ku siiyeen in uu isku soo dhiibo isku dayay in uu iska caabiyo balse ciidamada ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigeen isaga oo aan waxyeelo gaysan.
Waxaa ay sheegeen saraakiisha amaanka in uu ku hubaysnaa bastoolad nooca ay adeegsadaan dadka waxlaaya iyadoo wararka qaarna sheegayaan in uu ka soo jeedo Gobolada koonfureed ee dalka Somaliya.
Ciidamada ayaa sidoo kale xabsiga u taxaabay dadkale oo qaarkood tuhuma galeen kuwa kalana sameeyay amardiido ciidan iyo wax lamida waxaana dhamaantood lagu hubsaday saldhiga dhexe ee magalada.
Hawlgalkan waxaa ka horeeyay mid lamida oo habeenkii tagay ay ciidamada ka sameeyeen magalada kuwaa ay ku soo qabteen tiro dad oo haatan baaris lagu hayo.
Puntlandi.com Xarunta Warar Deg Deg Ah.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>