Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ciidammada Dowladda Oo Howlgallo Ka Sameeyey Gedo(Dhageyso)

$
0
0

Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa qeybo ka tirsan gobolka Gedo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay ka sameeyeen Howlgallo ay ku baacsanayeen Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.
Howlgalladan ayaa waxa ay Ciidammadu  si gaar ah uga sameeyeen wado isku xirta degmooyinka Beledxaawo iyo Garbahaareey ee isla gobolka Gedo halkaasi oo ay jidgooyooyin u yaaleen Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Shabaab kuwaasi oo dadka rayidka ah ku dhibaateeynayey.
Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Dowladda ee ku sugan Gedo ayaa wareysi uu siiyey Radio Muqdisho isaga oo ku sugan xarunta gobolka ee Garbahaarey waxa uu ku sheegay in Ciidammadu howlgal ay qaadeen uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana la doonayey in Maleeshiyada dadka gobolka dhibaatada ku heysay wadada looga leexiyo uuna ku dhamaaday guul.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Wareysiga Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan
Xildhibaanku waxa uu sidoo kale tilmaamay in Howlgallada noocaan ah ay noqon doonaan kuwo sii socda ilaa inta guud ahaanba gobolka laga sifeynayo Maleeshiyada Kooxda Shabaab taasi oo haatan qorshaheeda uu yahay mid gebo gebo ah.
Howlgalkan ay ka sameeyeen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya gobolka Gedo ayaa qeyb ka noqonaya howlgallo noocaan ah oo ay Ciidammadu inta badan ka sameeyaan wadooyinka gobolka kuwaasi oo looga gol leeyahay burburinta Isbaarooyinka ay Maleeshiyada Shabaabku dhigteen wadooyinka gobolka Gedo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>