Abwaanka Soomaaliyeed Prof Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo ka mid ah Abwaaniinta ugu caansan dalkeena ayaa ka hadlay falkii foosha xumaa ee dhowaan Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab ku xasuuqeen dad Soomaaliyeed oo Arday ubadnaa.
Abwaan Hadraawi oo Wareysi gaar ah siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa ee Waqooyi Galbeed Soomaaliya ayaa ugu horeyn shacbiga Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey dadkii halkaasi sida xaqdarada loogu laayey isagoo dhanka kalena inta dhaawaca ah Alle uga baryey in uu caafimaad siiyo.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Wareysiga Uu Radio Muqdisho La Yeeshay Abwaan Hadraawi
“Runtii dhacdadaasi aad ayaan uga xumahay waana cambaareynayaa waxaase nimanka Shabaab la yiraahdo laga doonayaa inay is waafajiyaan oraahdooda iyo ficilkooda waayo diin ayey sheeganayaan diintuna ma qabto in dad Shacab ah lalaayo oo dhiigooda la daadiyo” ayuu yiri Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi.
Abwaanka ayaa waxa uu shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqay in la doonayo inay ogaadaan dhibaatada mudada ay ku jireen sida ay uga bixin lahaayeen balse waqtigan ay ayaandaro tahay in dad Soomaalida ka mid ah ay ka shaqeeyaan in Umaddu dhibaato kusii jirto.
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa codkiisa ku biiriyey qeybaha kala duwan ee Cambaareeyey qaraxii Afartii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo ay ku naf waayeen dad ka badan 70 ruux waxaana falkaasi foosha xun mas’uuliyadiisa sheegtay Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab.
↧
Abwaan Hadraawi”Shabaab Hadlakooda Iyo Ficilkooda Isma Lahan”(Dhageyso)
↧