Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Milan oo dooneysa Maxwell iyo Khedira

$
0
0

Kooxda kubbadda cagta AC Milan ee dalka Talyaaniga ayaa dooneysa sidii ay bisha January ula soo wareegi laheyd daafaca kooxda Barcelona, Maxwell iyo xiddigga qadka dhexe ee kooxda Real Madrid Sami Khedira.
Maxwell ayaa dhaawacyo ay la soo darseen tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda Barcelona horraantii sanadkii 2009, xilligaa oo uu kaga soo biiray kooxda Inter, waxaana hadda uu u muuqdaa in uu boos rasmi ah aanu ka heysan Barcelona.
Tababaraha kooxda Barcelona, Pep Guardiola ayaa la sheegay in xiddiga daafaca bidix uu ka doorbidayo Eric Abidal iyo Adriano, taas oo ka dhigeysa inuu noqdo dooqa saddexaad ee garabka bidix.
Sidoo kale Khedira ayaa khilaaf ka dhashay kaarki cassaa ee uu qaatay ciyaartii Levante waxa uu kala dhexeeyaa tababaraha kooxa Real Madrid Jose Mourinho, taasna Milan waxay u aragtaa fursad ay ku soo xero gelin karto labada ciyaaryahan.
Tabaharaha kooxda AC Milan, Massimiliano Allegri oo tan iyo markii uu kooxda yimid la soo saxiixday ciyaartoy tayo leh, waxaana uu muddo dhowr sano ah kaddib naadiga u gacan geliyay horyaalka dalka Talyaaniga


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>