Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ra’isulwasaare C/weli Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga Burundi Kadib Markii Uu Maanta Dalka Kusoo Laabtay

$
0
0

R/Wasaaraha Soomaalaiya Mudane C/weli Maxamed Cali ayaa maanta dib ugu soo laabty dalka kadib markii uu safar dheer ku soo kala bixiyay wadamo dhowr ah isagoo dhanka kale garoonka diyaaradaha ku qaabilay Wasiirka difaaca dalka Burundi oo isna booqasho maanta ku yimid Muqdisho.
Dr. C/weli Maxamed Cali R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar dheer ku soo kala bixiyay wadamada Mareykanka, Denmar iyo Ethiopai ayaa subaxnimadii maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha caalmaiga ah ee Aaden Cadde, waxaana xubnihii la socday ka mid ahaa Wasiirka iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Dekadaha gaadiidka Badda, circa iyo dhulka Aaden Xaaji Aaden iyo C/raxmaan Dheere, Afhayeenka Xukuumadda Eng.Yariisow iyo xubno kale.
R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan golaha wasiirada oo ay ka mid ahaayeen R/wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibadda mudane Maxamed Maxamuud Xaaji, R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha  C/wahaab Ugaas Xuseen “Ugaas khaliif”, wasiirka warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta mudane C/qaadir Xuseen Maxamed “Jahweyn”, Wasiiru dowlayaal, wasiir ku xigeenno guddoomiyaha gobolka banaadir iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda.
Intaasi kadib ayaa R/wasaare C/weli waxa uu garoonkla diyaaradaha ku qaabilay wasiirka gaashaandhigga dalka Burundi Gaciyu Bwenge Pontien  oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho
Marii uu qaabilay wasiirka difaaca dalka Burundi ayuu R/wasaaruhu uga hadlay saxaafadda sida loo soo dhaweeyay wasiirkaasi iyo safarkii uu ku tagay qaar ka mid ah wadamada caalamka isagoo tilmaamay in uu si guul ah ku soo dhamaaday safarkiisa islamrkaaana uu kasoo qeybgalay shirarka golaha amniga golaha guud ee qaramada midoobay shirkii kooxda xiriirka caalamka iyo kulamo uu magaalada Addis ababa kula soo qaatay  R/wasaaraha Ethiopia Melas Zenawi.
Sidoo kale wasiirka gaashandhigga wadanka Burundi Gaajiyo Benge Boosyee oo isna la hdalay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ujeedada uu u yimid Muqdisho ay tahay sidii uu ugu kuurgali laha xaaladda dalka waxa uuna sidoo kale hoosta ka xariiqay in ciidamo cusub ay dowladda Burundi u soo direyso Soomaaliya hadii loo baahdo.
Mas’uuliyiintii soo dhaweeysay wasiirka gaashaandhigga Burundi ayaa waxa ka mid aha wasiiru dowlaha iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga, taliye ku xigeenka ciidamaad xoogga dalka Gen C/kariim Dhego badan, taliye ku xigeenka ciidanka amisom iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamaad Burundi.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles