Cadaado:-Dood cilimiyeed ku saabsan sara u qaadida kaalinta saxaafada ee nabada iyo xalinta khilaafaadyada ayna soo qabanqaabisay hay’ada TARDO ayaa maalintii labaad ka socdo magaalada Cadaado ee caasimada maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb.
Doodan oo socon toonta mudo sadex maalin ah ayaa waxaa ka qayb qaadanaya ilaa 40-Ruux oo isugu jira qaybaha bulshada rayidka ah sida Haweenka Suxufiyiin iyo Culumaa’idiin iyo xubno ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb, waxaana mudadaasi doodan lagu jeexjeexayaa kaalinta ay saxaafadu kaga jirto sara u qaadida nabada iyo xalinta khilaafaadyada.
Dooda ayaa waxaa furay gudoomiye ku xigeenka maamulka dagmada Cadaado Nuur Yarow Xayle isagoo sheegay in doodan ay tahay mid muhiim ah ayna ka soo bixidoonaan qodobo muhiim ah oo deegaanka waxku ool u ah.
Mid kamid ah Suxufiyiinta Kaqeeb gashay Dood cilmiyeedkaasi ayaa Sheegay Kaalinta ay saxaafada madaxa banaan ay ka qaadan karto Sara uqaadida Nabada Waxuuna faahafaahin ka bixiyay Xasaafada madaxa banaan iyo sida ay uga qeeb qaadan karto Sara uqaadida Nabada.
Dadka kaqeeb qaadanayay Dood cilmiyeedkaan ayaa Soo dhaweeyay Doodaha nuucaan oo kale ah inlagu qabto Magaalada Cadaado ee Caasimada Ximan iyo Xeeb iyagoo hay’ada TARDO uga mahad celiyay isukeenida bulshada.
Dood cilmiyeedkan maalintii Labaad kasocda magaalada Cadaado ayaa waxaa uu yahay wajigii sadexaad waxaana maalmaha soo socda lagu falanqayn doonaa kaalinta ay saxaafadu ku yeelan karto sara uqaadida nabada iyo xalinta khilaafaadyada.
Xafiiska Warqabadka
Heegantv.com
Cadaado
Jeylani Xasen Cusmaan
Jiilaani2011@hotmail.com
↧
Dood cilmiyeed ku saabsan sara u qaadida kaalinta saxaafada ee nabada oo maalintii labaad ka soconaya Magaalada Cadaado {Sawiro}.
↧