Muqdisho (RBC Radio) Maamulka gobalka Baanaadir ee dowlada KMG Soomaaliya aya soo dhoweeyay guulaha ciidamada dowlada y ka gaareen dagaalada Muqdisho.
Gudoomiye ku xeenka maamulka gobalka Banaadir Warsame Maxamed Xasan ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay guulo ka gaareen dagaalada Muqdisho.
Asagoo saxaafada kula hdlayay goobaha ay maanta la wareegeen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegay in AL-Shabaab laga guuleestay.
“meeshaan aan jooogno waa Ex Control ciidamada dowladana ilaa iyo Soos ayay sii socdaan oo ay sii dhaafeen dhinac walbana waa laga socdaa ciidamadana waxey fulinayaan wixii loo idmaday”sidaa waxaa yiri gudoomiye ku xigeenka maamulka gobalka.
Warsame Maxamed ayaa sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ay sii wadi doonaan howl galada iminka socda.
Ciidadamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta guulo balaaran waxey ka gaareen dagaalo xoogan oo maanta ka dhacay Muqdisho waxeyna kula wareegeen gobo badan oo ay horey u joogeen Al-Shabaab.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho
↧
Maamulka Gobalka Banaadir oo Soodhoweeyay Guulaha Ciidamada dowlada ay ka gaareen Dagaalada Muqdisho
↧