Muqdisho (RBC Radio) War qoraal ah oo ka soo baxay xukuumada KMG Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dowlad akMG Soomaaliya ay guulo la taaban karo ay ka soo hoysay dagaaladii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Ciidamada TFG iyo kuwa AMISOM ayaa qabsaday Warshadada Baastada, Ex-Kontorool Balcad iyo Isgoyska SOS, iyo Galgalato oo ka tirsan degmooyinka Heliwaa iyo Kaaraan, iyadoo howlgalkan uu qeyb ka yahay nabadeynta magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yiri, Tallabadan ayaa timid kaddib markii ciidamada ay billaabeen inay la wareegaan dhinaca waqooyi ee magaalada, kana eryaan xagjirka xiriirka la leh Al-qaacida.
Dhismaha Warshadda Baastada wuxuu ahaa xarun howlgal oo ay kooxda xagjirka ah madaafiic kaga soo tuuri jirtay meelaha ay shacabku deggen yihiin. Howlgalkana waxaa loogu talogalay in lagu badbaadiyo nafta shacabka dhowaan dib ugu laabtay guryahooda, waa sida uu u warnaa warkaan qoraalka ah oo ay soo saartay xukuumada KMg Soomaaliya.
Arintaan ayaa waxay imaanaysaa xili dowlada KMG Soomaaliya ay guulo ka gaartay dagaalo maalmihii ugu danbeeyay ka socday magaalada Muqdisho oo u dhaxeeyay dowlada iyo AMISOM iyo waliba xoogaga Al-Shabaab.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho
↧
Xukuumadda KMG ah oo Guulo ka Sheegatay Dagaalada Muqdisho (War-saxaafadeed)
↧