Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dowladda KMG iyo Xarakada alshabaab oo si dheer uga hadlay dagaaladii Muqdisho ka dhacay shalay.

$
0
0

Ugu yaraan 20-ruux ayaa ku geeriyootay dad ka badan 40-kalena dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray dagalo qaraar oo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG oo ay taageerayaan kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo dhinac ah iyana.
Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo ay barbar socotay duqeyn culus oo ay adeegsanayeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ayaa yimid ka dib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada Xarakada Al-shabaab ku leeyihiin degmooyinka Huriwaa, Yaaqshiid iyo Kaaraan, waxaana dagaalka guulo ka sheegtay dowladda KMG oo sheegtay inay fariisimo badan kala wareegeen ciidamada Xarakada Al-shabaab.
Dagaalada ugu culus ee dhexmaray dhinacyada ayaa waxa uu ka dhacay Warshadda Baastada, Saldhigga degmada Huriwaa iyo Isgoyska SOS oo dagaal la isku mari waayey uu ka dhacay, halkaas oo ay ciidamada dowladda KMG fariisin ka dhigteen markii ay hor u socon waayeen, waxaana la sheegay in ciidamada Xarakada Al-shabaab ay difaacyo ka sameysteen warshaddii Nacnaca, agagaarka Ees-kambani iyo boosteejadii laga rari jiray baabuurta suuqa xoolaha.
Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay inay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ay dagaal ku qabsadeen Warshaddii Baastada, Warshaddii dayactirka baabuurta ee Xayle Bariise, Isgoysyada SOS iyo Ex. Kontarool Balcad, xaafadda Waxara-cadde iyo Qabuuraha Jaamacadda Muqdisho ee Barakaad.
Wasaraxaafadeedka ka soo baxay Xukuumadda KMG waxa uu yimid ka dib markii ciidamada ay bilaabeen inay la wareegaan dhinaca waqooyi ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka talin jirtay Xarakada Al-shabaab, ka dibna ay ku fideen xaafado kale oo ku yaala degmada Huriwaa iyo Yaaqshiid.
Dagaalka ayaa waxaa ka hadlay afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Paddy Ankunda, kaas oo sheegay in dagaalka ka socda Muqdisho uu macnihiisu yahay sidii ay xoogagga Al-shabaab uga riixi lahaayeen oo ay uga qabsan lahaayeen goobaha ay haatan ku suganyihiin, isla markaasna ay awoodooda ku balaariyaan guud ahaan magaalada Muqdisho, wuxuuna intaasi ku daray in dagaalkii shalay dhacay ay ka gaareen guulo waa weyn.
“Dagaalka Muqdisho macnihiisu waa sidii Al-shabaab looga riixi lahaa goobaha shacabku daggan yahay” ayuu yiri ahayeenka AMISOM oo intaas ku daray in 12-qof oo shacab ah ay ku dhinteen dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan inuusan marnaba soo hadal qaadin madaafiic arxandaro ah oo ay ciidamada AMISOM ku gareeceen xaafadaha Suuqa Xoolaha, Gubta iyo dayniile, taas oo ilaa xalay socotay, geysatayna khasaarooyin kala duwan oo soo gaaray dad shaca ah.
Sidoo kale dagaalka ayaa waxaa ka hadlay saraakiisha hogaamineysa ciidamada dowladda KMG, kuwaas oo ay ugu horeeyaan Abaanduulaha ciidamada Milleteriga dowladda KMG Gen. C/kariin Yuusuf {Dhego badan}, Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde, Taliyaha guutada koowaad ee Maxtooyada Col. Caanood, Taliyaha guutadlada labaad ee Madaxtooyada ee dhinaca waqooyiga Col. Saney, Gaashaanle dhexe Goobaanle iyo saraakiil kale oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay dhammaantood inn dagaalka ay guulo ka gaareen, isla markaasna ay gacanta ku hayaan fariisimo ay horay ugu sugnaayeen Xarakada Al-shabaab, waxayna intaasi ku dareen in dagaalka ay sii wadayaan inta ay magaalada ka saarayaan ciidamada Xarakada Al-shabaab.
Dhinaca kale dagaalka waxaa ka hadlay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo sheegtay in fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamadooda si kedis ah dagaal loogu soo qaaday, isla markaasna ay iska caabiyeen kooxihii soo weeraray, waxayna intaasi ku dareen in goobihii ay ka baxeen ay uga baxeen xeelad dagaal.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Abuu C/raxmaan oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in dagaalka lagu soo qaaday uu ka dhiganyahay weerar lagu soo qaaday dadka muslimiinta iyo hantidooda iyo diintooda, wuxuuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay ka qeybqaataan dagaalka ay kala soo horjeedaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG.
“Dagaalkii nalagu soo qaaday waxa uu ka dhiganyahay mid lagu soo qaaday diinta Islaamka iyo dadka Muslimiinta ah hantidooda, waxaana idiin sheegaynaa inaan iska difaacnay kooxihii weerarka nagu soo qaaday, ciidamadeena haatan waxay ku suganyihiin Suuqa Xoolaha iyo fariisimo kale, waxayna diyaar u yihiin inay iska difaacaan weerar kasta oo ay uga yimaada kooxaha naga soo horjeeda” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.
Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ay duqeyn arxandaro ah u geysteen xaafadaha Suuqa Xoolaga Gubta iyo degmada Dayniile, kuwaas oo xalay oo dhan socday, iyadoo xaafadaha la duqeynayo ay ku suganyihiin dad rayid ah oo ku godoomay xaafadaha sida ban loo duqeeyay.
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles